28th March 2024  admin  Category :

Gaaf: War Xaafidoow waxaan la yaabay qolyahaan VOAda ka shaqeeyaa ma ajaanib luqada Soomaaliga ku cusubtahaa?

Xaafid: Ajnabi ma aha ee dhamaantood waa Soomaali. Maxaad ajnabi ugu sheegtay shaqaalaha VOAda?

Gaaf: War ninyahoow waxaan la yaabay sida ay luqada afka Soomaaliga ugga aradan yihiin.

Xaafid: oo maxeey qoreen?

Gaaf: Waxeey qoreen laba cinwaan oo kalla duwan oo midka koowaad uu ahaa:

Doon Ganacsi oo Duleedka Boosaaso Ku Degtay. February 05, 2018.

Xaafid: dee doonida ma iyadaa degtay waa ay soo caariday uun?

Gaaf: Intaa kuma joogsanee hadana waxeey soo qoreen cinwaan kalle oo ahaa sidan:

Puntland: Xubno Booqday Goobta uu Ka Socdo Gurmadka Doonidii Degtay. February 12, 2018.

Xaafid: war illeen adigaa wax kaa yaabiya arkay! Meesha dooni degtay kuma aragno ee waxaan aragnaa oo kalliya dooni soo caariday.

Gaaf: Anigu waxaan is leeyahay qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha VOAda waxaa ay meesha la tageen naceeybkii qabiilka taas ayaana kallifeeysa ineey wax kasta oo xun ay soo qoraan, balse umma geen luqad xummo.

Allsanaag.com

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*