28th December 2024 admin Category :
Xarunta baarlamaanka Soomaaliya
Kooxda Shariif Sakiin Gurigii ay gudoomiyaha ka ahaayeen waa sidan. Dal ma lagu aamni karaa
17 sano, gurigan waxa ka talinayey oo Gudoomiyaal ka ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Raxanweyn oo Shariif Sakiin ka mid yahay. Waxay garan waayeen madaxdaasi guriga Baarlamaanka ee Xildhibaanada Soomaaliyeed hoyga u ah , wuxuu u baahan yahay dacayatir iyo in la ranjiyo. Maanta siyasiyiintii sidaas ahayd oo ku caan baxday tuugnimada iyo musuqmaasaqa oo xitaa ku fashilmay inay gurigii ay ku sugnaayeen dayac tiraan, ayaa waxay leeyihiin waxaan doonayna inaan Soomaaliya madaxweyne ka noqono.
Gudoomiyihii ugu danbeeyey ee Gurigan Baarlamanka madaxda ka ahaa Jawaari, inta uu gurigan burbursan oo afarta sano ku dhex jiray ka soo baxay, oo hor istaagay ayuu yiri ” Sool iyo Sanaag Xildhibaano kuma laha waqooyiga Soomaaliya.