26th July 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka ayaa waxaa soo galay lacago badan, balse lacagahaas ayaa intooda badan aan la garaneeyn meesha ay ku baxeen.

Tusaale, haddii ciidanka booliska ay ku baxday 2 milyan oo doolar, waa in ay xisaabtaas ay cadahay meesha loo isticmaalay; ma mushaar, shidaali, raashin, ama qarashaadka kalle waa in ay cadahay oo ay la socotaa risiityadii, laakiin dawladdu waxeey rabtaa in duub-duub ay u sheegto xisaabtaas taas oo ah mid aan caddeen meesha ay ku baxday.

Waxaa la soconaa in dawladda federaalka ay u isticmaashay burburinta maamulada dalka lacago aad u badan; imisaa ku baxday in lagu burburiyo maamulka Koonfur Galbeed? Imisaa ku baxday burburinta maamulka Galmudug? Imisaa ku baxda aamusinta la aamusiyey baarlamaanka federaalka? Imisaa ku baxda dadka dawladda Facebook ka ammaana iyo kuwa wax u sawira? Imisaa ku baxday kuwa Telfishinada ka difaaca dawladda? Hadaba, dawladda ayaa isku dayeeysa ineey difaacdo musuqmaasuqa aadka u baaxada weeyn oo ay faraha kulla jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*