26th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ku guuleystey abaalmarinta Nobel Peace Prize

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa la sheegay in uu ku guuleystey abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize.

Abiy Ahmed oo aan weli si rasmi ah loogu dhowaaqin guushan uu ka gaaray ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in heshiiskii uu la gaaray dowlada Eritrea ay ahayd tan ugu muhiimsan ee uu guushan ku gaaray.

Abaalmarinta Nabadda ee caalamka ayaa sanad walba la bixiyaa waxaana uu Abiy Ahmed oo muddo ka yar labo sano ku soo shaacbaxay ku guuleystey abaalmarinta.

Abiy Axmed ayaa loo magacaabay shakhsiga 100-daa ee ku guuleysta biladda abaal marinta nabadda ee Oslo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*