26th July 2024  admin  Category :

Muranka Suufiyada iyo Ictisaam ee iminka Jira muxuu salka ku hayaa ?!
……………………………………
Laga soo bilaabo xilliyadii ay Soomaaliya soo gaadhey baraaruga Muslimiinta (Asaxwa Islaamiya) waxa khilaaf xooggan si gaar ah uga dhexeeyey Dariiqooyinka Suufiyada iyo Dhaq dhaqaaqa Wahaabiyada oo ku abtirsada Dugsiga Shiikh Maxamed CabdiWahaab .

Marar badan ayaa iska hor imaad aan hubaysnayn iyo doodo afka ah la isku dhaafsaday inta badan magaalooyinka Soomaalidu degto , ilaa ay ka soo shaac baxeen Maxaakiimtii oo ay ka dhex abuurmeen Dhaq dhaqaaqyada Jihaad doonka ah ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Waxa la bur buriyey Qubuuro badan oo ay Suufiyadu siyaaran jireen una haysteen meel ay hurdaan dad awliyo ah , halka Fikirka Wahaabiguna u arko meelo loo cibaado tago oo ilaahay qayrkii lagu weyneynayo.

Dagaallo badan oo xabad la iskaga hor yimid waxa Suufiyadu kala hortageen iska caabbin xoogle , taasoo keentay inaaney kusoo dhiiran mar danbe oo arintaasna laga nastay, suufiyaduna ka dhigteen arimo ay ku gor gortamaan siyaasad ahaan ( waxannu nahay nimankii Khawaarijta dagaalka uga adkaaday ).

Wixii intaas ka danbeeyey waxay u arkayeen in fikirka Wahaabigu khatar ku yahay Dariiqooyinka , sidoo kalena ay sal u yihiin xagjirnimada ku faaftay caalamka Islaamka guud ahaan iyo Soomaaliya gaar ahaanba , ayna tahay in la iska fogeeyo.

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee 2016 kii waxa door weyn ku lahaa culimada Ictisaamka iyadoo uu isku xidhkaasna lahaa Fahad Yaasiin oo xubin ka ah Ictisaamka , waxana ugu caansanaa culimadii ololahaa kujirtey Shiikh Bashiir Axmed Salaad , Shiikh Cali Wajiis iyo Shiikh Axmed Cabdisemed oo xildhibaanada diin iyo ilaah ugu dhowaansho uga dhigayey in la doorto Farmaajo.

Markii uu Guuleystey Madaxweyne Farmaajo waxay noqdeen Culamada rasmiga ah ee dalka Soomaaliya oo madaxtooyadana warkooda laga maqlo.

Suufiyadii aaminsanaa in Culimada Ictisaamku yihiin fidmo-walayaal ay tahay in la fogeeyo , iyaguna dagaalkii ay la galeen xagjirka fikirkooda ku asaasmay ayaa arkay mise nimankiiba waxa buun buuninaya Dawlada Soomaaliya ileyn Fahad Yaasiin baa awood kulehe !!

Taas ayaa keentay iney ka gilgishaan oo ka hor yimaadaan in loo aqoonsado culimada rasmiga ah ee Soomaaliyeed , warbaahinta ka soo muuqdaan , mudaharaad ku baaqaan iyo iney dhaleeceeyaan Shiikh Umal oo muxaadaro Ballaadhan ku qaban lahaa Garoonka Kubada cagta ee Injineer Yariisow.

Shiikh Umal waa la ogyahay inaanu iminka aaminsanayn xagjirnimo iyo in Suufiyada lala dagaallamo ama lagu gaalnimo xukmiyo oo fikirkaas wuu ka laabtay markuu arkay falalka Alshabaab.

Balse Suufiyadu waxay rabaan in loo arko awood culimo oo shacbiyad leh oo ah culimadii soo jireenka ahaa ee Soomaalida , aanna lagu hadhayn karin culimo ay iska soo horjeedaan fikir ahaan iyo caqiido ahaanba .

Markaa dawlada Federaalka waxa la gudboon iney xiisadan si dhex dhexaad ah u dejiso , lana qaboojiyo , labada iminka ay ka dhex taagan tahay ee Ictisaam iyo Suufiyana ay culimada kale u dirto si ay u dhex dhexaadiyaan , haybada culimada Soomaaliyeedna loo dhowro.

Dawlada Federaalka Soomaaliyeed waa iney u muuqataa iney Soomaali oo dhan dawlad u tahay er aaney koox garabka saarin , arintan hadii aan si deg deg ah xal looga gaadhin waxay saamayn taban ku yeelanaysaa xasiloonida iyo deganaanta Soomaaliya gebi ahaan , iyadoo markii horeba lala tacaalayey cuduro Qabyaalad iyo Xagjirnimo ka mid tahay , hadana hadii tacasub diimeed inoogu biiro meel dheer baa kaga doonayaa wadankeena kasoo kabanayey dhibaayooyinka daashadey mudo 30 sano ah.

Qalinkii : runta la noolow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*