27th July 2024  admin  Category :

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoontay dawo iyo agab caafimaad oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19 ayaa qalabkaan u adeegsaneysa dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka Feyruska Karoona.

FacebookTwitterPinterest

mahadhttp://JOWHAR.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*