26th April 2024  admin  Category :

Qore: Ahmed Abdilahi Foore

Dadka dega Gobolka Sanaag iyo Bari iyo dadka dega Gobolka Sool iyo Cayn waxay tan iyo burburkii dawladdii dhexe ay halgan ugu jireen sidii aan loo kala qaybiyeen Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne, Maamulka Soomaaliland waxaa uu doonayaa inuu xoog ku goosto Gobolladaas, kuna raadsado gooni isu taag madax bannaan.

Mudane Madaxweyne, Dawladda Federaalka Soomaaliya miyeysan waajib ka saarnayn illaalinta Midnimadda Soomaaliyeed iyo Madax bannaanideedda.

Mudane Madaxweyne, haddii Allah kuu diray caawa laba qodob baa kaga furnaa xasuuqa ka socda Caasimadda Gobolka Sool ee Laascaanood.

1. Inaa hambalyeyso halganka ay Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed ugu jiraan Gobolladaasi.

2. Inaa cadayso mawqifkaaga Madaxweynenimo ee ku aadan Gobolladaas, iyo waxa kaaga qorsheysan.

Mudane Madaxweyne, waxaan kugula tallin lahaa inaa go’aan adag oo ficilkiisa la arko ku wajahdo Maamulka Soomaaliland oo uusan xaalku noqon Madaxa u salaax kan Qaranimadda Ummadda ku xadgudbay.

Mudane Madaxweyne, laba qodob baa kala gudboon xasilinta Gobolladaas:

1. Inay Maamul Cusub helaan oo Federaalka qayb ka noqda, kaas oo ay u arkaan rajada kowaad oo ay ugu hiilin karto Dawladda Federaalka Soomaaliya.

2. In codayn laga qaado Maamulka ay u codeeyana ka mid ahaadaan, sidaasna murankii lagu soo afjaro.

Qore: Ahmed Abdilahi Foore

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*