8th February 2023  admin  Category :

Midnimada Beelaysan ee Macawisleeyda iyo tan Qaranka Soomaaliyeed yaa mudan in Mudnaanta la siiyo?

Inta badan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, marka uu ka hadlayo Macawisleeyada wuxuu sheegaan in Midnimo Beeled loo baahan yahay si looga adkaado Alshabaabka.

Maleeshiyaadka uu madaxweynaha Qarabka doonayo inuu mideeyo, waa Maleeshiyo Beeleed laga yaabo in sida beesha Isabaq ay maanta sameenayaan ay iyaguna berito beelo kale ee Soomaaliyeed ku xasuuqaan hubkan iyo midnimadan lagu dhiiro geliyey.

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Culusooow ee aadka u jeclaa midnimada maleeshiyaadka Macawisleeyda ee beeshiisa , ayaa maanta wareegto uu ka soo saaray xasuuqa ka socda gobolka Sool ; meelna kaga shegin ama ku xusin MIDNIMO.

Xasuuqa, dilka iyo Barkicinta ka socota gobolka Sool ayaa waxa sabab u ah MIDNIMO. Bulshada reer Sool waxay doonayaan Midnimda Soomaaliyeed , halka kuwa beesha Isaaq ay diidan yihiin Midnimada Soomaaliya oo ay doonayaan inay helaan dal ay gaar u leeyihiin oo laga aqonsan yhaay Qaramada midoobey, Iyaga oo khasbaya Soomalida kele ee jecel midnimada Somaaliyeed

Hadaba hoos ka akhriso madaxweynaha Soomaaliya oo ka cararaya ma’suuliyaddiisii ka saarnayd Qaranka Soomaaliyeed iyo wada jirkiisa oo aan haba yaraatee aab ka hadlin midnimada Soomaaliya oo is bar bar dhogaya Jabhad dalka kala goynaysa iyo xaq u dirir ilaalinaya MIDNIMADA Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*