26th April 2024  admin  Category :

Moscow: Daacish oo sheegtay weerar lagu dilay in ka badan 60 qof

Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 145 kalana ku dhaawacmeen, kaddib markii ay rag hubeysan xalay rasaas ku fureen dad ku sugnaa shaleemo ruwaayad lagu daawanayay gudaha dalka Ruushka.

Weerarkaan oo lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka tan iyo sannadki 2004-tii, ayay dableyda weerarka geysatay si aan kala sooc laheyn rasaas ugu furtay dadki ku sugnaa hoolka ruwaayadaha ee degmada Crocus oo inyar dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Moscow.

Muuqaallo goobta laga soo duubay ayaa muujiyay dad ku gabanaya kuraasta taallay hoolka, iyo rag hubeysan oo rasaas furaya, dad isku dayaya in ay ka baxaan albaabada howlka iyo kuwo aanan dhaqaaq laheyn oo dhex jiifa dhiigga.

Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Kooxda Daacish.

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremilin ayaa sheegay, in warka ku saabsan weerarka la gaarsiiyay madaxweynaha, iyo madaxa ciidanka ammaanka federaalka Alexander Bortnikov.

Weerarkan ayaa imanaya laba todobaad kaddib marki ay safaaradda Mareykanka ee Ruushka ka digtay, suurtagalnimada weerar ay Moscow u geystaan kooxo argagixiso ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*