26th April 2024  admin  Category :

Xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya ‘oo horumar’ laga sameeyey

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay in waddada ku wajahan xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, oo uu dib u dhigay dagaalka Gaza, ay hadda aragto horumar wanaagsan.”

Blinken ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qaahira ku sheegay in booqashadii uu Sacuudiga ku tegay Arbacadii ay dhashay “wadahadal aad u wanaagsan,” oo uu la yeeshay dhaxal-suge Maxamed bin Salamaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Faisal bin Farhan.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka Gaza iyo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, halkaasi oo Blinken uu booqday saddex jeer tan iyo 7-dii October.

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay inuusan “waqtiyeyn karin” xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudiga, hase yeeshee wadaxaajoodyada “ay ku dhowaanayaan heer aan gaari doono heshiis.”

Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo la hadlay AFP, ayaa sheegay in horumar dheeri ah ay ku xiran tahay xal laga gaaro arrimo dhowr ah.

Blinken ayaa sheegay inay u noqon doonto “fursad taariikhi ah labada dal iyo gobolka oo dhan.”

Washington ayaa xulufadeeda dalalka Carabta kala hadashay qorshayaal ku xeeran maamulidda Gaza ee dagaalka kadib iyo heshiisyo dheeri ah oo ay xiriir kula yeelanayaan Israel.

Mareykanka, oo ah dalka taageerada ugu weyn siiya Israel, ayaa muddo isku dayey inuu heshiis xiriir dhex-dhigo Sacuudi Carabiya iyo Israel, taasi oo sidoo kale Mareykanka uu ka damaanad qaadayo amniga Boqortooyada.

Riyadh ayaa si kastaba heshiis noocaas ah shuruud uga dhigtay aqoonsiga dal madax-banaan oo Falastiin — taasi oo Israel ay diiday.

Si kastaba, heshiiska ayaa u muuqday mid dhow sanadkii tegay, kahor inta aanu qarxin dagaalka Gaza.

Dagaalka ayaa waxaa sababay weerar ay Xamaas 7-dii October ku qaadeen Israel oo lagu dilay 1,160 qof oo badankood shacab ahaa.

Boqortooyada ayaa aad u dhaliileysay ololaha aargudashada militari ee Israel ay ka waddo Gaza, kaasi oo ay ku dhinteen 32,000 oo qof oo badankood ah haween iyo caruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

Riyadh ayaa sheegtay inaysan xiriir la aas-aasi doonin Israel illaa ay ciidamada Israel ka baxaan Gaza, islamarkaana heshiis laga gaaro abuurista dal Falasiin oo madax-banaan.

Sacuudi Carabiya weligeed ma aqoonsan Israel, kumana biirin heshiiska Mareykanka uu ka shaqeeyey 2020 ee Abrahms Accord, kaasi oo dalalka Khaliijka ee Bahrain iyo Imaaraadka iyo sidoo kale Morocco ay xiriir kula sameysteen Israel.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*