28th March 2024  admin  Category :

Waxaa miino ay kulla qaraxday aaga Galgala ciidamo la socday gaari oo ku sii socday magaalada Boosaaso. Miinada ku qaraxday gaariga ayaa aheed nooca dhulka lagu aaso taas oo sababtay dhimashada askari iyo dhaawac seddex kalle.

Argagixisada ayaa waqti dheer ku dhuumaaleesaneesay deegaanadaa, waxaana ay inta badan ka yimaadaan Burco iyo Hargeeysa oo ah maanta xarumaha laga soo dhoofiyo argagixisada loo soo dhoofiyo Soomaaliya inteeda kalle.

Dadka waa ineey isweeydiiyaan haddii argagixiso ay Soomaaliya inteeda kalle oo dhan ay dil iyo qarax ku hayaan maxaa loo arki waayey argagixiso ka hawl gasha Burco iyo Hargeeysa oo dad ku leenaya ama ciidan. Waxaa iska cad in SNMta ay tahay meesha laga soo fangareeyo Shayaadiintaas si ay caalamka ugga iibiyaan in iyaga oo kalliya ay yihiin meel amni ah ayna tahay in la aqoonsado.

Maamulka Puntland waxeey ugu hortagi karaan in aysan argagixisada ka soo tallaabin Burco iyo Hargeeysa iyaga oo dhiga ciidan xuduudaha la aaminsan yahay ineey nimankaa ka soo tallaabaan, waana in dadka deegaanada la wacyi galliyaa si la isaga kaashada ciribtirka shayaadiintan aan illaahay aqoon.

Allsanaag.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*