27th April 2024  admin  Category :

Maxkamad ku taalla Maraykanka oo laashay sharci qaban lahaa dadka darbiyada ka booda ee Soomaalidu ka mid tahay

Maxkamad ku taal Maraykanka ayaa hakisay sharciga socdaalka ee gobolka Teksas ee muranka dhaliyay, kaas oo ah mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee noociisa ah, kiis si dhow isha loogu hayo oo dhan Mareykanka.

Sharcigan ayaa u ogolaanaya saraakiisha Texas in ay xiraan oo ay dacweeyaan qof kasta oo ay u maleynayaan in uu si sharci darro ah ku soo galay dalka, isaga oo beddelaya awoodaha federaalka.

Sharcigu wuxuu si kooban u dhaqan galay Talaadadii dhowr saacadood oo uu socday halkan dhinbaca sharciga ah.

Sharciga SB4 ee Texas ayaa lagu waday inuu dhaqan galo 5-tii Maarso laakiin xukuumadda Joe Biden ayaa ku doodday in awoodda xiritaanka soo galootigu ay ku haboon tahay gacanta fedaraalka.

Muhaajiriinta imaanaya xudduudda koonfureed ee Mareykanka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay intii uu xilka hayay Biden, taasoo walaac xooggan ku beertay cod-bixiyayaasha Mareykanka inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada ee Nofeembar.

Taasi waxay keentay in gobolka Texas uu tallaabo adag ka qaado xadka uu la wadaagto dalka Mexico haddii maxkamaduhu ay taageeraan sharcigan cusub markaas waxaa laga yaabaa in gobolada kale ee Mareykanku ay raacaan.

Mexico ayaa dhaleeceysay sharcigan cusub oo ay ku tilmaantay mid ka dhan ah soogalootiga, Wuxuuna dalkani sheegay in uu diidayo cid kasta oo uu gobolka Texas dalkooda usoo tarxiilo.

Madaxweynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa sharcigan maanta oo arbaca ah ku tilmaamay “mid xun” oo bini’aadantinimada ka baxsan.

Go’aanka lagu hakiyay sharciga ayaa ah kii ugu dambeeyay ee xukunno maxkamadeed oo lagu go’aamiyay masiirkiisa.

Haddii uu dib usoo noqdo dhaqan galkiisu wuxuu tusaale u noqon doonaa isbedel weyn oo ku yimaadda habka fulinta socdaalka, iyadoo maxkamaduhu ay hore u xukumeen in dowladda federaalka oo kaliya ay fulin karto sharciyada socdaalka ee dalka.

Ka gudubka xadka Mareykanka si sharci darro ah waa dembi federaali ah, laakiin xadgudubyada waxaa badanaa u maareeya sida kiisaska madaniga ah nidaamka maxkamada socdaalka.

hoose ee federaalku ay miisaantay sharcinimadeeda.

Dabadeed amar kooban oo dabayaaqadii habeenimadii Talaadada, guddi saddex garsoore ah oo ka tirsan Shanta Garsoose ee Mississippi, Louisiana, Texas iyo Canal Zone ayaa u codeeyay in la joojiyo xukunka marka uu dhegaysato racfaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*