26th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Abwaana iyo Fanaaniintu reer Muqdisho uga qayliyeen Biibitada la doonayey in laga furo Tiyaatarka.

Fanaaniinta, Majaajilayaata, weriyasha, Abwaanada, Idaacadaha iyo Talifishanka Soomaaliduba intuba waxay hoo iman jireen kacaankii Wasaaradda Warfaafinta oo u kala bixi jirtay

A -Wakalaada wararka Soomaaliyeed ee Sonna. wixii war ah diyaarintoda gudaha iyo dibbada,

B -Wakaalada Murtida iyo Madaalada.

C-Wakalaada Madbacada qaranka.=== daabacada wargeyska xiddigta Oktoobar iyo kii XHKS.

D -Wakalaada filimada Soomaaliyeed.

E- Waaxda idaacadaha Soomaaliyeed, waxaa hoos tegi jirey Raadiyaha Muqdiho iyo Hargaysa markii danbena la sameeyey TV uu dalku leeyahay.

Xaruntii Wakaaladda Filimada Soomaaliya ee hoos iman jirtay wasaaradda warfaafinta oo Kacaanka ka hor ahayd Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, kuna taalay afar Irdood, maanta Waa Mall uu leeyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusow.

Abwaanaddii iyo fanaaniinta reer Muqdisho ee ka qayliyey Biibitada la doonayey in laga furo tiyaatarka Muqdisho, oo Tiyaatarku weligiis lahaa maqaaxi , kama ayna qaylin Xaruntii wakaaladooda Filimada ee laga bililiqaystay lagana dhigtay City Mall. Hadaba waa maxay sababtu.

Gabadha Biibitada ka furanaysay Tiyaatarka Muqdisho ayaa ka oo jeeda beesha Ogaadeen, waa sababtaa Kooxda Muqdisho, oo qaarkood guryo ay bililiqaysteen ka soo tooseen ay afka labadiisa daan uga qayliyeen

ALLSANAAG,CO

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ee ku taalay Afar irdooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*