18th April 2024  admin  Category :

Doorashada baarlamaanka oo wajaheeysa khillaaf

Doorashada baarlamaanka ayaa wajaheeysa khillaaf aad u weeyn oo ka dhashay sida loo soo xullayo xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka cusub. Waxaa horey loo soo doortay guddiyo doorasho oo kala matalaya maamulada iyo dawladda federaalka, waxaase muuqaneeysa in guddiyadii doorashada laga kor tallaabsaday oo doorashadii ay wallaaqanayaan maamul goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha.

Guddiyada doorashada ayaa laga soo maray dhisitaankooda hawlo aad u badan. Gaar ahaana, inaan lagu soo dari karin guddiyada doorashada dad u shaqeeya dawladda ama maamul goboleedyada si loogu kalsoonaado dhexdhexaadnimadooda, waxaana markii danbe laga heshiiyey caqabadihii hor taagnaa dhisitaanka guddiyadii doorashada, taas oo markii danbe loogu duceeyey shaqadooda.

Hadaba, mar hadii la doortay guddiyo kala matalaya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada, waxeey aheed wixii ku saabsan arrimaha doorashada in iyaga looga danbeeyo, balse waxaa muuqata in guddiyadii shaqadoodii ay la wareegeeyn maamul goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha.

Dhawaan ayeey aheed markii guddiga doorashada ay soo saareeyn qaabka loo qaban doono doorashada iyo dadka ay tahay ineey wax soo doortaan kuwaas oo isugu jira odayaasha dhaqanka iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada. Hannaankaas ayaa ahaa mid inta badan dadka soo dhaweeyeen, balse waxaa wixii oo dhan afgembiyey maamul goboleedyada iyo ra’iisal wasaaraha.

Si kastaba ha ahaato, doorashada ayaa lagu qiyaasay ineey ku baxeeyso lacag dhan 32 milyan oo doolar, waxaana inta la ogyahay gacanta lagu hayaa 7 milyan oo doolar, waxaana dhiman 26 milyan. Hadaba, beesha caalamka oo lacagta doorashada laga sugayey ayaa diidan in ay bixiyaan lacag danbe maadaama doorashadii ay fillayeen aysan ka muuqan meesha, balse ay noqotay doorasho maamul goboleedyada madaxdooda ay soo xullanayaan. Maamul goboleedyada waxeey leeyihiin annaagaa soo xullaneeyna cida aan rabno, waana in wallaaqidaas naloogu daraa lacag.

Sanad kasta, marka la eego musuqmaasuqa adduunka ka jira oo dhan, Soomaaliya waxeey gashaa kaalinta koowaad, waxaana keenay musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya oo noqday kan ugu xun adduunka, uuna fahmi karo xittaa qofa aan wax arag.  Isku soo wadda duub, guddigii doorashada waa mid miis cidla ah looga tagay, hadii ay sii jiraana, waa kuwo u sii jiri doona qaab magac u yaal ah, doorashadana waxaa maamulan doona maamulada, waxaana ay mari doontaa wadadii la mariyey doorashadii aqalka sar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*