19th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Midowga Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda.

Afhayeenka xukuumada ayaa sheegay in Midowga Murasharaxiinta uu Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arrimaha u baahan kala cadeeynta.kulanka raisul wasaraha iyo musharaxiinta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*