26th July 2024  admin  Category :

Dalka Kazakhstan waa dal ka mid ahaa dalalkii ka go’ay Midowgii Soofiyeet markii uu burubray, waana dalka saggaalaad ee ugu dhulka weeyn aduunka. Dalka Kazakhistaan wuxuu sameeyay sanadihii ugu danbeeyay horrumar aad u ballaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah. Dalka ayaa dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsan yahay shidaalka, beeraha, xoolaha nool iyo macadano kaloo badan. Dalkaas waxaa ku nool dad ku hadla luqado iyo diidmo kalla duggan heeysta, hase ahaatee dalka waxaa ugu badan dadka muslimiinta ah. Dalkaas ayaa hiigsanaya inuu horrumar ka sameeyaan  dhinacyada tiknoolajiyadda iyo sayniska. Kasakhistaan waa wadan aan laheen wax bad ah, balse horrumar fiican sameeyey, waana dal isaga macaawinno helli jiray, balse maanta waa dal isagga wax caawiya.

Horrumarka waa waxa hoggaamiyayaasha ay la yimaadaan taas oo dalkooda ay u dajiyaan wadiiqo ay hourrumar ku sameeyn karaan, balse haddii hoggaamiyaha uu yahay mid lix tiir oo quraafaad ah jeebka kalla soo baxaya, 4.5 iyo mooshinada shaqo ka dhiganaya, hablaha Soomaaliyeedna dhoofinaya si dhaqaale uu ugga hello ma gaari karayo rag aragti iyo isbeddal dhab ah jeebka ku watta.

Waxaan rajeeynayaa in hoggaamiyayaasha Soomaalida aysan dalka Kasakhistaan barran ama aysan isku dayin ineey tagaan, waayoo haddii ay bartaan dhaqaalo ayeey maalin kasta weeydiinayaan taas oo magaca Soomaaliyeed ay kagga soo qaadanayaan taas oo dabadeedna ay ku shubanayaan jeebabkooda.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*