13th November 2025  admin  Category :

Maxaa loo waayey cid sheegata fal danbiyeedkii ka dhacay Badhan iyo Ceel buh dhexdooda

Allah ha u naxariistee waxa maalintii shalay ahayd gaari uu saarnaa lagu dhuftay sadex gantaal Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo ka mid ah isimada beesha Warsangeli. Caaqilka ayaa marka gantaalaha lagu riday wuxuu marayey inta u dhaxaysa degmooyinka Ceel buh iyo Badhan.

Sodon saac, ayaa ka soo wareegtay dilkii Caaqil cumar loo gaystay , ilaa hadana ma jiraan haba yaraatee wax sheegtay inay ka danbeeyeey dilkiisii. Waxa intaas sii dheer in maamulka Puntland oo aan ka ahayn taliska Booliiska gobolka Sanaag ayna ka hadlin dhacdadan . Xitaa Booliisku warbixintiisu waxay ku salaysnayd warar laga soo ururiyey reer guuraagii ka ag dhowaa halka qaraxu ka dhacay, oo aan khbrad u lahayn ama ayna horay u soo arag falal noocan oo kale ah oo diyaarado iskood u socda ridayaan

Markii ay cid walba ka aamustay fal danbiyeedkii ka dhacay inta u dhaxaysa Badhan iyo Ceel buh ayaa waxa buuxiyey doorkii Puntland ka qaadan lahayd arintan canaasiirtii diidanaa maamulka Punland iyo kooxda Firdhiye ee raadinaysa Puntland oo ay ka maqan tahay gobolka Sanaag.

Kooxda ugu daran e qoriga dabka leh iyo gaaska wareegaysa ayaa ah : kooxdii Warsangeli ee dhowaan u guurtay magaalada Laascaanood, oo habeen iyo maalin caayi jiray Suldaan Siciid iyo Isimada Warsangeli, waa kooxddii ka soo hor jeeday nabadaynta Ceerigaabo oo Caaqil Cumar doonayey, Waa kuwii caaqil Cumar ku lahaa ha na sheeganina oo maamul Puntland la yiraahdo ayaanu ka tirsanahay, waa kooxdii Isimada beenta ah ku samaystay Laascaanood iyaga oo inkiraya Isimaddii soo jireenka ahaa oo Caaqil cumar ka mid yahay , si ay danahooda guracan ay gobolka uga fulaan.

Ugu danbayntii Allah ha u naxariistee caaqil Cumar, wuxuu geeriyooda isaga oo ka shaqaynaya nabadaynta gobolka Sanaag oo ka mid ah Puntland, Bulshada gobolka Sanaag intooda xalaasha ah waa ka taageeri jireen oo halkii ayeey ka sii wadi doonaaa, sidaas awgeed waa in Qaswadaayasha wata danaha siyaasadeed oo ku gabanay dilka Caaqil cumar meel looga soo wada jeestaan .

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*