12th August 2026  admin  Category :

Waa ayo madaxda Puntland ee uu ku xiran yahay Mooryaankani macnaha yar.

Maalmahan danbe waxa Puntland ku soo xoogsanaya kooxo si beelaysan u abaabulan oo mid walba ay gaar u leeyihiin hogaamiye, waxayna u badan yihiin beesha Majeerteen, gaar ahaan gobolda Nugaal iyo Mudug.

Kooxdan abaabulan oo sida gaarka ah isku siisay maamulka Puntland, ayaa nasiib darada jirta waxay tahay waxay isku xiran yihiin Wasiirada iyo madaxda ay ka soo wada jeedaan Beelahooda,

Kooxahan Puntland ee sida beelaysan u abaabulan, hadaaan tusaale uga soo qaadano kooxda Cumar Maxamuud ee uu hogaamiyo Jibriil Qoobeey oo ay ku gacan siiyaan madaxda maamulka Puntland ee beeshiisu inay sirta Dawladda si hoose ugu gudbiyaan ama u siiyaan sida midda ciidanka ayaa hadda faraha kula jira arin khatarteeda leh, hadal hayn badan ka dhex abuurtay shacabka degaanada Puntland, taas oo ah imusuu Qoobeey si wadi karaa aflagaadada siyaasiyiinta iyo Isimada iyo siyaasiyiinta aan beeshiisa Majeerteen ahayn

Maalintii shalay markii uu dhacay fal danbiyeedii aan ilaa hadda qiilka loo helin, oo aan cidna sheegan ee ka dhacay inta u dhaxaysa Badhan iyo Ceel buh, laguna dilay nabad doonka beesha Warsangeli Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi, ayaa madaxda Puntland ee ay isku reerka yihiin Qoobeey, oo ay ku wada shaqaystaan nacaybka beelaha kale ee Puntland waxay u soo dhiibeen dhowr war bixinood oo nacayb ka buuxo, dhaqanka Islaamkana ka fog in Mayd aan danbi ku cadaan oo lafhiisa la ururinyo in waxyaabaha qaarkood ka qorto.

Qoraalkan sare, ma ayna soo qorin Dawladdii qaraxa gaysatay, Puntland, Somaaliya, mana aha mid laga turjumay Joornaalada Caalamka ee waa mid ay jeebkooda kala soo baxeen kooxda uu hogaamiyo Qoobeey.

Inta badan wasaaradaha, Maxaakiimta iyo Taliska booliisku waa iska fogeeyaan hadalka ay kooxdani qoran, iyaga oo iska dhiga inay ka so xiganayaan dawladda Puntland. Waxa ugu danbaysay Maxkamadda iyo Taliska booiska oo uu ku ben abuurten, isla markiina ka soo saaray wareegto ay ku beeninayaan

Ugu danbayntii dawladda Puntland, waa inay war cad ka soo saaraan kooxdan nacaybka dhex dhigaysa bulshada walaalaha ah, iyaga oo soo dhowaysnaya kuwa doonaya inay Puntland bur buriyaan. Waana ku talinaynaa in arintan maanta wax laga qabto. Maanta midnimada Puntland lugo kuma taagna oo maamul kale ayaa la sameeyey haddii lagu fiirsado wax magaratada meel fog ayaa wax laga raadin doonaa

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*