
16th June 2026 admin Category :
Inaa Lilaahi Wa’inaa Ilaah Rajicoon Geeridu waa xaq.
Allah ha u naxariisto Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi, ayaa ka mid ahaa dadki maanta ku dhintay qaraxii loo gaystay gaarigii lagu qarxiyey degaanka hoos taga degmada Ceel buh ee gobolka Sanaag. Nabadoon Cumar ayaa ahaa caagilka bulshada Warsangeli ee ku nool degaanadaas.
Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed, qoyskii, eheladii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Caaqil Cumar Cabdulaahi , oo ka mid ahaa nabadoonadda Umadda Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday degaano hoos taga degmada Ceel buh ee gobolka sanaa,
Waxaan Allah uga baryeeynaa marxuumka inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.







