
17th July 2026 admin Category :
Diyaaradaha aan Dareewalka lahay oo Gantaal la beegsatay gobolka sanaag
Deegaanka jiicanyo ee hoos taga degmada Ceel buh ee gobolka Sanaag, ayaa maantaa diyaaradaha iskood isku wada ee meesha fog laga hago waxay duqeeyeen gaari halkaas marayey.

Diyaaradahan oo muddo todoba cisho ah dul joogay magaalada Ceel buh, ayaa saaka waxay beegsadeen gaari magaalada ka baxay. Inta la ogyahay waxa ku dhintay qaraxaas Allah ha u naxariistee Caaqil Cumar Cabdi Ibrahim iyo nin aan magaciisa la sheegin oo ka soo jeeday beesha Dishiishe oo magaalada Ceel Buh ku sugnaa todbaddii cisho oo ay diyaaradhu dul joogeen.







