26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka arrimaha dibedda ee maamulka Hargeeysa ayaa sheegay in Madaxweeynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ah hoggaamiya jabhadda SNMta ay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti. Hadaba, su’aasha meesha taal waxeey tahay maxaa laga wada hadlayaa?

Madaxweeyne Farmaajo haddiiba ay dhacdo in uu la kulmo maamulayaasha SNMta oo uu la furro wada hadal, waa ineey qeexan yihiin waxa lagala hadlayo beesha Isaaq.

Beesha Isaaq waxeey wax ka tabaneeysaa dawladdii horre ee Soomaaliya, waxeeyna doonayaan in Soomaali ay u oggolaato ineey goostaan. Hadaba, waxa beesha Isaaq ay dooneeyso iyo beelaha kalle ee deggan dhulkii la isku oran jiray British Soomaaliland sida Gudibiirsi, Dhulbahante iyo Warsangeli waa inaan la isku qaldin.

Beesha Isaaq iyada ayaa ah midda wax tabaneeysa ee leh waa nalla xasuuqay, waana iyaga kuwo doonaya ineey goostaan maadaama ay xasuuq tirsanayaan. Beelaha Warsageli, Gudibiirsi iyo Dhulbahante ma ahan dad doonaya ineey goostaan ee waa dad raba ineey Soomaaliweeyn ay wax la qeeybsadaan. Hadaba, haddii ay dawladda dooneeyso ineey beesha Isaaq ay la hadasho waa in ay kalla hadashaa waxa reer ahaan quseeya ama ay tabanayaan maadaama ay iyagu ay yihiin kuwa doonaya in lala hadlo.

Waxaana habboon in wadahadalka aysan ka mid noqon arrimaha ay beesha Isaaq la wareegeeyso ee ah ineey yihiin dal madax bannaan iyo ineey sheegtaan dhul aysan laheen. Waana in looga digaa riwaayada ay la wareegayaan ee ah ineey xudduud aysan laheen ay soo xirayaan.

Gabagabadii, dawladda federaalka waa ineey u qeexan yihiin waxa ay kalla hadlayaan beesha Isaaq, waana in dawladda federaalka aysan miiska keenin arrinta guracan ee beeshan ku dooneeyso dhul boobka iyo sheegashada dhul aysan laheen, balse waa in laga dhageeystaa waxa ay tabanayaan beel ahaan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*