4th December 2021  admin  Category :

Kaantaroolka Bosaaso oo qura  miyaa ka shaqeeya  Puntland  ?

Gawaarida sida alshabaabka ee ka timaada koonfurta Soomaaliya , kuwa lagu soo qariyo bambooyinka wax dila, kuwa sida lacagta faalsada ah, kuwa lagu soo daabulo   dadka tahriibaya, dhamaantoo waxa lagu qabtaa Kaantaroolka Koonfureed ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari . Gawaarida lagu qabto Boosaso ayaa waxay soo dhaafaan dhamaan Kaantaroolada  degmooyinka hoos yimaada   Gobolada Mudug, Nugaal iyo Karkaar .

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay waa maxay sababta  dawladda Puntland ay mushahaarka ugu bixsaa  Kaantarooladan haba yaraatee aan shaqadooda ka soo bixin iyo ilaalinta bulshada reer Puntland ee duulaanka lagu yahay.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa ka gaabiyey inuu abaal marin,  dalacsiin iyo gunaba siiyo madaxda iyo shaqaalaha Kaantaroolka magaalada Boosaaso oo ah  halka qura oo sida  daacada ah looga shaqeeyo maamulka Puntland.

Ugu danbayntii mar   haddii alshabaabka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya ee   u socda  inay reer Puntland dilaan ay musuqmaasaq iyo laaluush ku soo dhaafayaaan kantaroolada magaalooyinka  Galkacayo,Burtinle, Garowe  iyo Qardho oo ay dawladda Puntland lacag ku bixiso shaqaalahooda , ayna  la mid noqdeen gobolada Sool iyo Sanaag oo aan Kantroolo lahayn oo si sahlan alshabaab iyo SNM uga soo gudbaan. Soo lama gaarin xilligii la xiri lahaa kantaroolada magac u yaalka ah oo aan shaqayn,   lana  xoojin lahaa kanatroolka shaqaynaya ee  howshiisa qaran gudanaya ee ku yaal  magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso

Image result for corruption gif

ALLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*