27th May 2022  admin  Category :

Maxaa Hor-taagan in uu cadaalad hello Wasiir Abass Siraaji?

Saddex Sano ayaa u buux-santay caawa intii kasoo wareegtay markii la dilay Alle haw naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji wasiirkii hawlaha guud iyo guriyaynta dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ahaana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka oo askari ka tirsan ciidamada Dawlada uu xarunta madaxtooyada soomaaliya ku dilay.

Maxamuud siraaji walaalka wasiir Cabaas.

Maxamuud Siraaji oo ah walaalka la dhashay cabaas siraaji, Xubina ka ah Golaha Shacabka ayaa caawa oo ay ku beegan-tahay 3 sano guuradii kasoo wareegtay dhimashada cabaas siraaji si faahfaahsan uga hadlay sababta ay u hirgelin wayday in cadaalad loo helo Wasiir Siraaji.

“Sedex sano ka hor abaarihii 7da fiidnimo manta oo kale, waxaa si bareer ah loogu toogtay agagaarka madaxtooyada walaalkeey oo aan jeclaa Abass Hajji Abdullahi Sheikh Siraji. Ninkii toogtay iyo masuulkii la socday waxay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan balse waa la qabtay.

Taariiqda marka ay aheyd 14th June 2017 waxa ay maxkamada ciidamada Qalabka Sidda u fariisatay dacwadii dilkii marxuumka. Taariiqdu marka ay aheyd 19th June 2017 waxa ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda darajadeeda koowaad ku xukuntay gacan ku dhiigle Ahmed Abdullahi Ahmed (Caydiid) dil toogasho ah.

Caydiid iyo qareenadiisii waxay go’aankaas ka qaateen racfaan waxayna Maxkamada Qalabka Sidda darajadeeda labaaad dhageeystay tariikhdu markay aheyd 29th July 2017. Waxa ay maxkamadu diiday racfaankii iyadoo markaas ay usoo baxday in dilka u ahaa mid ula kac ah. Taariiqdu marka ay aheyd 31st July 2017 waxa ay maxkamaddu si rasmi ah u shaacisay go’aankii ahaa dil toogasho.

Culeys walbo oo jiro, halkaas waxaa ka muuqato in ay jirto Rajo dowladnimo iyo Garsoor shaqadiisii si cadaalad kujirto u qabsaday.

Hasi ahaato, Garsoorka markuu gaaro go’aan sida qisaas ama dil toogasho, waxaa loo Gudbiyaa madaxweeynaha si uu u ogolaado kadibna qisaastii loo fuliyo cadaaldiina ku idlaato. Madaxweeynaha oo aanan saxiixin go’aanka maxkamada lama fulin karo.

Madaxweeynaha marka loo geeyo go’aanka maxakamada waxaa u banaan :

  1. In uu sida loogu keenay go’aanka la qaato oo uu saxiixo qisaastiina sidaas lagu fuliyo
  2. In maxkamada uu dib ugu celiyo oo uu faro in baaris dheeri ah la sameeyo- waa hadii ay jirto sabab kalifeeyso. Caadiyan go’aankaan waa in madaxweeynaha ku qaato mudo 14 maalmood gudahood ah.

Waxaa kasoo wareegtay in kabadan laba sano iyo bar maalinkii maxkammadda go’aan ka qaadatay welina madaxweeynaha go’aankii maxkamada ma sixiixin. Midaas oo ka dhigeeyso hankii Garsoorka iyo cadaalada aan ka laheyn mid dhicisoobay. Waxaan madaxweeynaha aniga iyo isaga kawada fariisanay oo kawada hadalnay in cadaalad loo helo Marxuum Abass in ka badan 10 jeer mar walbana kulankeenu wuxuu kusoo dhamaanaayay “waa balan ninkii Abass dilay cadaalada ayu marayaa.” Ilaa hadda wax natiijo ah malahan.

Marka, waxaan hada la yaabanahay in la gaaray waqtigii la raadin lahaa qaabkii kale cadaalada loogu heli lahaa Marxuum Abass. Hadii xamar ay dishay Abass hadana cadaalad looga waayay, maxaa diidaayo in lafahiisa lasoo faago laguna xabaalo tuuladii uu ku dhashay oo ay awoowyadiis ku xabaalnaayeen?

Mudane madaxweeyne qoyskii Abass waxa ay rabaan cadaalad, hadii cadaalad aysan jirine ma dhici kareeyso in nabad iyo dowladnimo dhalato. Fadlan arinkaan ka cadaalad fal!” Ayuu yiri Maxamuud Siraaji oo caawa qoraalkaan faafiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*