26th July 2024  admin  Category :

Tanzaniya oo dalka Madagaskar u dirtay Diyaarad Dawo dhir ah oo lagu daweenayo sida ay sheegeen xanuuka Coronovirus iyo WHO oo sheegtay inaan weli la helin dawada Coronovirus

Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli , ayaa diyaarad dhir dhaqan Afrikaan ah u diray dalka Madagaskar, taas oo uu sheegay inay tahay dawada xanuunka Coronavirus, inkasoo ha’yadda caafimaadka Aduunka (WHO) ay ka digtay inaan weli la helin dawada xanuunka Coronavirus.

Madaxweynaha Congo-Brazzaville’s, isaguna wuxuu balan qaaday inuu soo saarayo Cabitaan looga hor tago xanuunka Coronavirus, Cabitaankaas oo laga sameenayo geedka artemisia , horana looga samayn jiray dawada malaariyada.

Sawirka geedka Dawada Corona laga samaynayo

See the source image

Ha’yadda Caafimaadka aduunku, sidoo kale waxay dadka kula taliyeen dawooyinka noocan oo kale ah inaan la isticmaalin.

Cabitaanka Tansaaniya oo loogu magac daray Organic Covid-Organics , oo hadda la xayeesiiyo waxa lagu tijaabiyey 20 qof muddo sadex tobaad ah sida uu sheegay xooghayaha shaqaalaha xafiiska madaxweynaha Hasinirina Ranoromaro .

Hayadda caafimaadka oo ka jawaabaysay waxay sheegeen inaanay cidna kula talinayn in dawooyinka mac malka ah ay isticmaalaan

https://youtu.be/9pZwrcPiQWI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*