29th March 2024  admin  Category :

Wuxuu ka soo jeedaa beelaha Warsangeli beesha ugu degaanka weyn degmada Ceerigaabo iyo degaanada hoos yimaada. Maanta wuxuu ku calaacalayaa Muxuu Isaaq gobolka Sanaag Gudoomiye  gobolka  ugu soo magcaabi waayey nin ka soo jeeda beelaha Harti. Marabigani   ma is waydiiyey Gudoomiyaha gobolka iyo gudoomiyaha degmada maxaa ka wad dhigay Habar yoomis. Golaha degaanka degmada Ceerigaabo imisaad ku leedahay oo aad raali ahayd muddo dheer.

Siciid Bidaar, oo ka soo jeeda beesha Nuux Cumar ee Warsangeli oo aad ka daawan doontaan muuqaalka hoose, Warsangeli Diid oo ka soo jeeda Beesha Adan Siciid iyo qof kale oo aan ka gaabsanayno inaan magac sheegno waa sadexda Qof ee jabhaddii SNM ku raacay jacayl ay qaadeen sideetameeyadii  iyaga oo dhalinyaro ah , kuna  suganaa degmada  Ceerigaabo

Maqaal hore ALLSANAAG 10 May 2012

Ceerigaabo ama la wada yeelay ama la wada waa ama la kala qaybsey?

Magaalada Ceerigaabo oo xarun u ah gobolka Sanaag waa magaalada Soomaaliya ugu quruxda badan, ugu cimilada wanaagsan, sidoo kale waxa magaalada dhinaca  waqooyi ka xiga  Buuraha silsilada Golis  oo ay ka mid tahay buurta ugu dheer Soomaaliya  ee Surad.

Magaalada Ceerigaabo dhowr iyo labaatan sano ka hor waxay ahayd Hooyada ganacsiga Gobolada waqooyiga  Soomaliya sida Gobolka Sanaag oo ay xarun u  ahayd ,Gobolka Bari, Nugaal , Sool iyo Togdheer hase ahaatee waxa bedelay horumarkii  wanaagsanaa iyo isdhexgalkii Bulshada magaalada iyo tii  goboladaba nabad iyo wada noolaasho diidayaal aan talin jirin oo magaaladii siday tahay ka dhigay maanta   . Bur burkii qarankii  Soomaaliya ka dib  ,waxa Magaalada Ceerigaabo  hoy ka dhigtay ama u soo guuray  Buuraley,  waxayna  magaaladii horumarka tiigsanaysay, kana horaysay Soomaali inteeda kale   dib ugu celiyeen  boqol sano ka hor sidii ay ahayd  iyaga oo magaaladii ka dhigay magaalo aan laga  soo hadal qaadin gudaha Soomaaliya  iyo dibadaba Magaalo aan  horumar lahayn, Ha’ayado shisheeye  ayna joogin , Siyaasada Soomaaliya aan cid u matashaa ku  jirin  Dawlada KMG.  Intaa waxa u sii dheer Eeyda iyo Ariga  tirada badan oo magaalada dhexdeeda lagu dhaqdo oo daaqsin ka dhiganaya dhirtii qurxoonayd ee magaaladu caanka ku ahayd.
Magaalada Ceerigaabo, waa magaalo ay wada  degi jireen qarniyo badan   labada Beelood ee Daarood iyo Isaaq, halka Beesha Daarood waligeed ahayd Beesha  gacanta ku haysay siyaasada iyo ganacsiga Magaalada, ka hor intii aan jabhada SNM Ceerigaabo   ku abuurin  Buuraleyda mushahaarka yar  lagu siiyo in ay Magaalada ka ilaaliyaan Daaroodka.

Gorgortanka Siyaasadeed iyo xilliga kala guurka Magaalada Ceerigaabo waxay haysataa fursad aad u wanaagsan oo ah  wada hadalka u dhaxeeya Soomaliya iyo maamulka SNM, sababtoo ah Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Ilko jiir isaga iyo awoowayashiisba   waxay ka soo jeedaan magaalada  Ceerigaabo waana sababaha ugu weyn oo maamulka Hargaysa oo diidan yihiinin wasiirda Puntland ah   ee ka soo jeeda beesha  Daarood in ay qayb ka noqdaan wada hadalka u dhaxeeya SNM iyo Soomaalida midnimada doonaysa.

Magaalada Ceerigaabo  oo ay   jabhadii  SNM ee  Siilaanyo xukumi jiray isku dayday  Sideetameeyadii inay  xoog ku qabsadaan  magaaladaas,  ayaa waxa ka difaacay  Mujaahidiintii degaanka u dhashay ee  HARTI, sidoo kale ilaa maanta xoog laguma haysto Ceerigaabo   mana joogo Ciidan xoog ku haysan kara oo ka soo jeeda Beesha Isaaqa  hase ahaatee dhibka ugu weyn oo magaalada qabsaday  waa ganacsatadii Harti oo dhaqaalaha  ku lahaa magaalada oo  ganacsigoodii u raray Magaalooyinka  Laascaanood, Boosaaso iyo Badhan.sidoo kale aqoonyhanadii u dhashay magaalada oo ka soo jeeday Beesha Harti oo iyaguna  ka gaabiyey wacyi gelintii Bulshada iyo caalamka oo ahayd  in magaalada Ceerigaabo tahay magaalo la wada dego oo ayna Beel gaar u lahayn ama SNM gooni u lahayn.

 

Ugu danbayntii Hadii Caalamku iyo dawlada  Soomaaliya ay go’aansadaan in Beesha Isaaqu ka g’oaan Soomaali inteeda Kale,  waxa waajib ah in laga wada hadlo Khadka cagaaran ee Gobolka    halka uu  mari doono oo kala qaybin doona beelaha  Daarood iyo Isaaq. Sidoo kale wada hadalka u dhaxeeya Soomaali iyo Beesha Isaaqu oo caalamku ugu baaqay in ay wada hadlaan waa in loo sheegaa jabhada SNM in  magaalada Ceerigaabo la mid tahay magaalada  Gaalkacayo oo iyaduna  qaybsami karto oo hadii wiilka Isaaq oo Berbera ku nool uu  sheegto Ceerigaabo  IN  sidoo kale UU   xaq u leeyhay sheegashadeeda  magaalada Ceerigaabo wiilka Garbaharey Jooga ee Daarood.
Allsanaag.com, news@allsanaag

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*