26th April 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii Muqdisho ee madaxweyne Farmaajo dhisay ayaa ku dagaalamay bililiqo Dhuleed

Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ayaa saaka dagaal culus uu ku dhex maray, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa ka bilowday bar koontarool oo ku taala duleedka deegaanka Dayniile, waxaana salka uu ku hayaa deegaan labada maamul isku hayaan oo lagu magacaabo Jabad-geelle.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, sida dadka deegaanka soo wariyeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha degmada Dayniile ay weerar ku qaadeen bar koontarool ay joogeen Ciidanka Maamulka deegaanka Garasbaaley, waxaana la isku adeegsaday dagaalka hubka culus iyo midka fudud.

Dagaalka ayaa si iskiis ah u joogsaday, waxaana dhowr mar oo hore ka dhacay inta u dhaxeysa Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley dagaalo salka ku hayay lahaanshaha dhulal.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay ugu aqoonsaday deegaanka Garasbaaley maamul deegaan, iyadoo loo soo magacaabo Guddoomiye deegaan, inkastoo aanay weli degmo rasmi ah noqon, hase yeeshee waxaa horay u jiray in muran ka taagnaa halka deegaankaas uu ka tirsanaa oo marar dhowr ah uu Maamulka degmada Dayniile uu ku doodi jiray in Garasbaaley ay ka tirsan tahay degmadooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*