26th July 2024  admin  Category :

Midowga Yurub iyo waqtiga loogu daray in gudiga doorashada uu ku hor-yimaado BF

Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa durba ka falceliyey dib u dhaca ku yimid waqtiga guddiga doorashooyinka qaranb ay hortagi lahaayeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu walaac xoog leh kaga muujiyey waqtiga cusub ee loo asteeyey guddiga doorashooyinka Qaranka.

Nocolas Berlanga ayaa su’aal geliyey suurta-galnimada in waqtiga cusub ee loo qabtay guddiga doorashooyinka inay ku hor-yimaadeen baarlamaanka lagu shaaciyo doorasho waqtigeeda dhacdo.

“Midowga Yurub wuxuu walaac ka muujinayaa suurta-galnimada cawaaqibka waqtiga cusub ee loo qabtay in guddiga doorashooyinka uu ku horyimaado baarlamanka inay ka dhallan karto doorasho waqtigeeda ku dhacdo,” ayuu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*