26th July 2024  admin  Category :

C/qaadir Cosoble oo ku dhaliilay Guddoonka Baarlamaanka inuu ka shaqeynayo dib u dhaca doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays oo maanta ka hadlayay kulankii Guddiyada joogtada labada Aqal ayaa ku dhaliilay Guddoonka Baarlamaanka inay ka shaqeynayaan dib u dhaca doorashada.

Xildhibaan Cosoble ayaa ka horyimid qorshaha muddo kordhinta Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran oo aheyd in 27-ka bishan uu hor-yimaado Baarlamaanka, si uu u soo bandhigo xilliga doorashada ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

“Qodobka labaad ee Guddiga doorashooyinka hor imaanshaha Baarlamaanka, qodobkaas waxa u maleynayaa u yeeritaan aan anaga u yeereyno, balse ay tahay sharci aan anaga ansixinayo oo la fulinayo inay tahay oo ah in 180 maalmood ka hor inay hor yimaadaan ahaa oo Madaxweynaha uu saxiixay, Guddiga Joogtada labada Aqal wax miyuu ka bedeli karaa, aniga ma aaminsani inuu wax ka bedeli karo, waxaa qabaa Guddiga doorashooyinka waqtiga loo qabtay inay na hor-yimaadaan, kalfadhi aan caadi aheyn loo qabto, waxay wadaan ay noo keenaan, anaga haddii wax nagu dhiman yihiin Baarlamaanka qaladkiisa tahay, waxay noqonee in aan anaga raadineyno in doorashada dib u dhacdo, waqtigeeda uu sii fogaado waxaa u ekaaneysa in Baarlamaanka ka shaqeynayo in doorashada dib u dhacdo oo waqtigeeda ku dhici weydo”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn sharcigii ay ansixiyeen inay ka shiraan in in dib loo dhigo ama in la jabiyo oo ay tahay in Guddiga doorashooyinka waqtigii loo qabtay uu ku hor-yimaado Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*