26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo halka ugu badan ee uu booqdo waa xero Ciidan oo Muqdisho ku taal, iyagiina waxay ku milmen Dadqalatooyinkii.

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday Dadqalatooyinka  oo  shalay ku soo bandhigay magaalooyinka Jilib iyo Saakoow askartooda oo ku labisan tuutaha milateriga Soomaaliya, iyo gawaari dagaal oo leh astaanta ciidanka milateriga dowladda federaalka.

Tuutayaasha sawirka ka muuqday waxay ahaayeen dareeskii milateriga ee ay dawladdu siisay guutada 14ka Oktoobar oo ah guuto la sameeyey wixii ka dambeeyey qaraxii Soobbe ee sannadkii hore, oo ay ku dhinteen dad ka badan 500 oo qof.

Waxay Dadaqalatooyinku  soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.

Bal adigu kala sooc,  Maleeshiyaad beeleedka Muqdisho uu madaxweyne Farmaajo u haysto inay yihiin   ciidan Qaran iyo Dadqalatooyinka Koonfurta Soomaaliya. 

Sawirka Villa Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*