26th July 2024  admin  Category :

Yaa Horumarinkara beereheena Dalka Somalia? W.Q. M.Axmed Ciise.

Maanta oo ay badantahay tirada dadka bartay Aqoonta heer Jaamacada Ee dhinaca beeraha Iyo Horumarinta degaanka ayaa hadana kaalin hoose bulshadeenu kaga jirnaa dhinacayada daryeelka Falashada howlaha degaanka iyo Ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga’Beeraha dalkeena Hooyo.

Shalay ma aynu haysan Aqoon baritaamaysa beereheena Dalka Somaliya’balse Waxaynu ahayn bulsho ku han Weyn wax soo saarkooda oo ay lexjeclo ka hayno helitaanka qudaarta Cagaadhan’ Isla markaana ka Xoogsanaysa Wax soo saarka Quutal-daruuriga Nolosheena iyo dheefta rasmiga ah Ee lugu beekhaaminayo Nolosha Inbadan oo ka mida Qoysaska Degaanada oo ay arrintaasi Muhiim u tahay.

Inkatoo ay jireen dedaalo Hore iyo hal-Abuur ay Curiyeen Awoowayashenii hore Ee Naf iyo Maalba u huray ka faa’iidaysiga beeraha iyo khayraadkooda ayaa Modaa Inay taasi Maanta maasha ka baxday oo ay yeelatay In la helo Aqoonyahano Muwadiniina oo beeraha iyo Wax soo saaraka kobciya.

Waa tilaabo hore loo qaaday Inay jiraan Guuleystayaal badan oo ku dedaalay wax soo saarka rasmiga ah Ee Beeraha dalkeena’Waxaana ay Qayb weyn ka tahay beera falashadu haqabtirka Helitaanka kaabayaasha dhaqaale iyo Daruuriyaadka Joogtada ah.

Sanadihii u dameyey beeraha la horumariyey iyo kuwa laga gaabiyeyba Waxay ka mid yihiin Degaanadeena Puntlnd Ee Gobolada Bari iyo Sanaag.

Tuulada Durduri iyo Degaanada Toga Ceel-daahir ‘Karin’Laag Iyo Barokhle Waxay la jaanqadeen Jawi Cusub oo laylyaya Hanaqaadnimada helitaanka Qudaar aan dalkeena kala soobaxno taas oo maasha ka saareysa baahidii loo qabay qaybaha kala duwan oo qudaarta oo aan Meelo kale oo ka baxsan Dalka Ama Gobolka aan Inooka Imaan.

Tacabka beeruhu maaha mid sahala oo loogu Biqlikaro Ama xaygiisa dhaqso miro looga Guran karo’ Iyadoon dhiddid iyo Tacab badan jeeni-qaadhada iyo qarqarsiyada kugu loxdin’Natiija walbaana Guul bay leedahay lkn Ka’Kanaan ‘geed adaygnimo iyo karti-dheraaday doontay” Cilmi aan Cadanina waa Diyaarad bilaa duuliye ah” Waa Halka laga yiraahdo (ATACAB BACDA RAAXO)

Ugu damayntii Yaa Horumarinka beereheena?

Jawaabteeduna waa Mid u baahan Maskax-Tuujin Iyo Aragti dheeriya’ Inaan ku baraarugno oo usoo jeensano Waxtarka iyo Shaqa-Abuurista beeraha ‘Iyadoo kor looo qaadayo Xirfada iyo dhiirigelinta beeraha si loo fahmo Muhiimada ku duugan Amuurtaasi.

Waxaa Tacsi ku timid beerihii Galgala’Maraje’Af Urur’Buuraha Calmadow oo ahaa kuwo muhiima’Waxaa Talo-Xumaystay oo dayacmay’ beerihii Buraan oo ahaa dhulka keliya iyo Degaanada Qudha Ee lugu dandoogsanjirey Xiliyadii laga shaqaynjirey’ Waxay ahayeen kuwa ugu Muhiimsani Galgala iyo Buraan oo Hadon ku ah biyaha iyo bixitaanka Noocwalba oo Qudaara.

Ugu Damayntii Waxaan Fariin Udirayaa Wasaarada Beeraha Somaliya iyo Puntlnd Ganacsatada Gobolada Bari Iyo Sanaag Inay ilgaara ku Eegaan Mashariicda lugu Horumarayo Dalka inay dhiirigeliyaan oo la Abuuro Jawi Cusub oo gardaadinaya dib-u carbinta Xiflayaasha beeraha iyo Meelaha ku haboon.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*