25th February 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray Guddiyada Adeegga Garsoorka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray labada guddi ee kala ah Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay ansixisay dowladdii hore, isgaoo amray in la toosiyo hannaanka loo soo dhisay labada guddi.

Labada guddi ayuu ansixiyey Aqalkii Hoose ee Baarlamaankii 10aad, waxaana saxiixay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee xiligaas ma uusna ansixinin Aqalkii Sare ee Baarlamaanka.

Sidoo kale xilligaasi la meelmariyey labadan guddi waxaa muran ka taagnaa awoodda sharci ee dowladda.

Wareegtada madaxweynuhu ku kala diray guddiyadan ayaa u qorneyd sidan:-

TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA.

Muqdishu, Oktoobar 09, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*