8th May 2024  admin  Category :

CHAPTER 1

Macnaha Gaashaanbuur

waa dad wadaaga dhalasho, dhaqan, dhaqaale, degaan, casabo iyo ehelnimo

Chapter 2

Gaashaanbuur yaa ah yeyse ka koobanyihiin :

Gaashaanbuur waa beel ka mid ah beelaha waaweyn ee Warsangeli gaar ahaan qaybta cumar waxayna ka koobantaa:

1) Xasan Yusuf oo ku magac dheer “Bah-habar xasan

2- Isamaaciil Cali oo ku magac dheer reer xaaji

3) Cismaan ciise oo ku magac dheer “Cismaan Garaad”

4) Cumar Ciise oo ku magac dheer “Garaad Cumar”

5) Ogeyslabe “Cali Hindile

Maxaa laysu yahay Isir iyo ehel ahaan:

1) Waxaa wada dhashay oo walaala ah Cismaan yusuf oo ku magacdheer Bah-habar cismaan, xasan yusuf oo loo yaqaan Bah- habar xasan, Maxamed yusuf oo loo yaqaan bah yabarehe, iyo Ciise yusuf oo aabbe u ah Cali Dable, Cismaan Garaad iyo garaad Cumar.

2) Waxaa wada dhashay oo walaalo ah Ismaaciil Cali iyo Liibaan Cali oo ah ilma Cali Dable waxana adeerradood ah Cismaan Garaad iyo Garaad Cumar

3) Cali Hindile wuxuu intaba la wadaagaa degaan, dhaqan, dhaqaale,casabo iyo ehelnimo qota dheer.

Halkaas waxaa laga garan karaa inay gaashaanbuurta ka baxsan yihiin Liibaan Cali, Moxamed Yusuf iyo Cismaan Yusuf.

CHAPTER 3

Magacani Goormuu baxay yaase bixiyey

Magacanu goortuu baxay taariikh ahaan wax sugan weli looma hayo, hase ahaate odayaal waaya arag ah ee la waraystay waxay sheegeen, inuu Cali ku taliyey in dhaqaalaha iyo daryeelka dadkan isu adeerta iyo walaalha ah la qaybsado wuxun yiri:

Anigu waxaan qaadayaa adeerraday Cismaan Yusyf iyo Moxamed Yusuf intiina kalena israaca,laakiin waxaa la yiri waxaa diidey Liibaan Cali oo gooni isu taagey, Markaasu yiri haddaa intiina kale ee ah Xasan Yusuf ,Ismaaciil Cali, Cismaan Garad iyo Garaad Cumar isgaashaanbuuraysta oo iskaashada waana idiin ducaynayaaHaddii sheekadan laga qiyaas qaato waxaa la odhan karaa magacanu wuxuu ku baxay odhaahdii Cali Dable wuxun ku aaddnaan karaa waqti la odhan karo wuxuu ahaa qaraniyadii 16-17.

Sababtuna waxay tahay ninka maanta 80 jir ah ee Cali Dable ugu taga 10 oday oo muddo 40 sano ah kala waawyen ( a generation), waxay noqon kartaa 400 ilaa 500 sano.

Afartanka sano waxaan u soo qaadanay, raggu waqitiyadaas hore uma guursan jirin ilaa ay gaaraan 35 ilaa 40 sano sababahana waxa ka mid ahaa:

1) Carrada oo colaaddi ka jirtey oo wiilka loo barbaarin jirey gaashaan qaadnimo uu gulufka kaga qayb qaato;

2) Hantida oo yarayd kuna koobnayd reer maadh;

3) Yaradka laga bixiyo gabdhaha oo badnaa;

4) Guurka oo badanaa ku dhisnaa hidda raac oo cidaha kala guurrsanayaa ab isir isugu fiirsan jireen.

Chapter 4

Degaanka gashaanbuureed wuxuu ka mid yahay degaannada ugu waawyen carra Warsangeli. Ballaar ahaan wuxuu badanaa la muuqaal yahay degaannada kale ee Xera Warsangeli taasoo ay sababtay dhererka xeebta oo kooban (226km). Qoton ahaan (vertical), waa degaan weyn, wuxuna toos dacalka ugu hayaa badda gacanka cadmeed (Gulf of Aden) ilaa iyo bananka xadeed.

Dhinaca bari wuxuu sohdin la wadaagaa degaanka Dubeys, galbeedna waxaa ka xiga degaanka reer Saalax iyo Goobyawuud.Dhererka xeebta gaashaanbuureed waxa lagu qiyaasay ilaa 50km taasoo dhereraninta u dhexaysa tuulooyinka Ceelaayo iyo Durduri.

Cimilada dhulku waa mid isu dheelli tiran oo leh kulayl, qabow iyo dhexdhexaad, dabeecad ahaanna waxuu ka koobmaa 4 jiidood e kala ah : 1. Guban 2. Cal iyo raacin3. Dhud,gabi iyo karkaar4. Sool iyo Xadeed.

Jiid waliba waxay leedahay qaybo hoose oo leh dabeecado u gaar ah waxaana ka mid ah:1. Gubanta oo ka kooban :(a) xeeb oo ah qaybta badda saran(b) suqur oo ah qaybta u dhexaysa macag iyo xeebta(c) macag oo ah qaybta u dhexaysa suqur iyo casha Dhulka gubantu wa meel badanaa kulul roobkuna ku badnayn.

Waa dhul leh dhir qodaxeed gaagaaban iyo geed caleemaad ay si fiican ugu dhaqmaan riyuhu. Waxaa kaloo ka baxa dhir dhaadheer oo caleen leh sida dhamaska, hareeriga, xagarka, xodayga.waxa kaloo jira jiido kale oon waaweynayn(minor zones) oo gubanta ka mid ah dadka degaase u yaqaaniin magacyo kale sida JAWGA oo ah dhagax madow shiilan oo ka dhashay dhul qarax dhacay waqtiyo aynaan xusuusan Karin(volcanic racks of old ages),HURAAHUR oo ah dhul hooseeya (low depressions) oo ciid badan.

Gubantu waxay leedahay dhir badan oo leh manfac badan waxana ka mid ah : cadaad, jaleefan, qansax, gumar, jeerin(waa geedkaquullaha), xamudh, gob, qudhac, garas, damal(waa geedka maydhaxda),faaracoo d, kabaqoys, dhirindhir, hareeri, dufnood, qalaanqal, xoday, xagar, dhidin(waa geedka malmalka ama murraha), dhamas, sarmaan, dhuur ama xudhuun, iyo kuwa kale oo badan.

Cal iyo raacin:(a) Gadoob oo ah inta ku wajahan gubanta;(b) Madar oo ah guud ugu sarreeya casha;(c) Cayow oo u dhexeeya madar iyo aroorcadka(d) Aroorcadka iyo raacin oo ah inta ku wajahan bannaan.Jiiddanu waa tan ugu qurux badan carrada beesha. Waa meel qabow oo leh dhir ah jiq isku dhafan. Waa jiid aan ahayn oommane carradeeduna u dhega nugushahay dalgga beeraha.

Xoolaha dabjoogta ah ee la dhaqdo meesiyada gaar ahaan sida fiican ugu noolaan karaa waa lo’da iyo idaha taasoo ay ugu waxan tahay cimilada qabow.Marka laga eega xagga hawada iyo intay badda ka sarrayso, waxaa lagu meteli karaa buuraha dalka Switzerland oo aan weli maalgelin lagu samayn.

Casha waxaa ku nool ugaadh aan addunka meel kale laga helin sida Calakudda iyo Baydhacda. Casha dhirteedu waa geed calaeemaad aan lahayn qodax weligeedna cagaaran (ever green) sida tan dalalk reer Yurub, waxaana ka mid ah: deyib, dhosoq, milxiddo, salamac, dhalool, qadhoon, muqlo,xiis, mooli, dharkayn, dibow, bawbawloho,moxor, maraa, cobol, madheedh, dhebi, weger, shoy, adaahi dhicir iyo qaar kale.

Qaybta gadoob way yarehe diirran tahay sababtoo ah waxay ku sii jeeddaa gubanta waana lalmataa. Madarka iyo cayow badanaa waa isku cimilo. Aroorcadka iyo raacintu waa isku dhow yihiin dabeecad ahaan, mana laha dhir aad u badan sida kuwa kale ee casha , waana jiidda u dhexaysa cayowga iyo dhud iyo gebi.

Jiiddan waxaa u badan oo laga helaa geed mirood dadku cuno sida: berdde, dhafaruur, gommoshe, canjeel iyo kuwa kale.Jiiddanu waxay leedahay togag biyuhuu maraan xilliga rooba o keliya kuwaaso ka soo dillaaca aroorrada casha.

Biyaha togagaas ka rogmaa waxay ku shubmaan badweynta Hindiya ee carra Majeerteen(dry wadies).Jiidda loo yaqaan dhud, gebi iyo karkaar waxay u dhexaysaa raacin iyo soolka.

Dabeecad ahaan waa dhul ka kooban dooxooyin, togag iyo buuro aan sidaas u sii dhaadheerayn. Waa dhul xoola daaqeen ah ooy ku dhaqmaan meesiyada xooluhu dhammaantood. Waa dhul noqon kara degaan joogto ah lagana samayn karo dalag beereed. Hawada jiiddanu waa dhexdhexaad aan lahayn kulayl iyo qabow badan.

Dhirta jiiddanu waxay badanaa la mid tahay kuwa ka baxa jiidaha kale ee la deris ah, waxana ka ah : booc,damal, gawlallo, laamanlooyo, jaleelo iyo qaar kale.Sool iyo xadeedJiiddanu waa dhulka ugu ballaaran degaanka beesha sida degaannada kale ee Warsangeli. Waxay ka bilaabataa Gebi waxyna fidsan tahay ilaa bannanka xadeed halkaas oo ay sohdin wadaagaan Ilanugaaleed.

Dhulkanu waa inta ugu daaqsin wanaagsan xooluhuna ku wada dhaqmaan nooc kasta ah ahaadeene. Waa dhul ah banan isu muuqda iyo kobo kala googo’an. Cimilada jiiddanu waxay ilsa beddeshaa isbedelka xilliyada, waxayse u badan tahay hawo dhexdhexaad ah. Waa dhul aan si joogto ah biyaha uga haqab tirnayn, taasoo keenta xilliyada qaarkood inay reer guuraagu ku soo dhowaadaan meelaha leh ceelasha wiyeerka ah.

Jiiddan dhirteedu waxay u badan tahay geedgaad xooluhu daaqaan iyagoo aan tiigsan ama saloolan sida: duurka, dureemada, sifaarka, weyraxda, yammaarugga, waxayse kaloo leedahay dhir aad u dhaadheer sida galoolka,damalka, laamanlooyda, jiica, meygaagga iyo qaarkale.Jiiddanu waa tan laga helo ugaadha duur joogta ah bedankeeda sida : biciidka, deerada, cawsha, sagaarada, bakaylaha,garanuugy a, gorayada, goodirka, , dacawada iyo qaar kale.

Dhulka sool iyo xadeed waa dhul laga samayn karo beer roobaad meeshii aan lahayn ceelasha birqodayga ah waxana hadda badanaa laga cabbaa balliyo biyaqabad ah oo si ku meel gaar ah loo isticmaalo dadkuna u yaqaaniin Berkedo.

Dhirta ka baxda degaanka beesha ee aan guud ahaan hore u soo sheegnay waxaa ka mid ah qaar leh dabeecado khaas ah sida:1. dhamaska oo xididkiisu leeyahay carafta cuudka udguun;2. dayibka oo jiliftiisu tahay sida SPIRTADA (alcohol) oo aanay demin haddii dab lagu qabto;3. milxiddada oo la sheegay in laga helo sunta mariidka eegamuunka la mariyo;4. dufnood oo haddaad taabato ay faraha kaa soo raacayaan udgoon iyo dufan, halkaasna ay ka muuqato in laga samayn karo saliid iyo cadar ama barafuun;5. bawbawloho oo caleenteedu hargaha dhogorta ka murxiso midabkana tirto, halkaasan laga garan karo in laga samayn karo (bleech iyo acid);6. gasangas iyo udaabdeysta oo laga samayn karo saabuun am shaambo;7. kabacaseeye oo laga samayn karo sacfaraanka lagu midabeeyo (colouring sabstance) cuntada sida bariiska iyo (cake) ama waxyaalaha ay haweenku ku aslaan debnaha iyo ciddiyaha (lipstick and nail cleaning);8. diirka galoolka (asal) oo wixii lagu dhexrido ka ilaaliya inuu qudhmo ama cudur ka dhasho iyo qaar kale oo badan.

Naflayda dalkan ku dhaqanta marka laga reebo dadka iyo xoolaha dabjoogta ah waxaa laga helaa noocyo badan oo duurjoog ah oo u kala baxa qaar ah hilib cun iyo qaar daaqa deegaanta waxaa ka mid ah:Baabca ku roore kuwaasoo ay ka mid yihiin:Libaax, waraabe, dhidar, shabeel, haramcad, dacawo, guduudane, sagaaro, yalal, dabacadde ama xoor, soongur, daayeer, biciid, deero, garanuug, bakayle, calakud, baydhac, gorayo, goodir, cawl, bawne, iyoqaar kale.Beer ku siqe(xamaarato) waxana ka mid ah:Abeeso, mas, masacagaley, jilbis, subxaanyo, mulac, siilaanyo, geel ka cabaadis iyo kuwa kaleBaal ku haade waxaa ka mid ah:Gorgor, coomaade, tuke, xuunsho, dhuuryo, beelyo, baqalye, galayd, soolladuul,qoolley, yaryaro, ayax.kuwa xaryama waxana ka mid ah:Koronkorro, magangooye ama jinac duullaan, dhul ku reeb qudhaanjo,duqsi, aboor, hangaraarac, dherertanxanyo cawagud iyo qaar kalCHAPTAR 5Ilbaxnimadii GaashaambuureedBeesha Gaashaanbuur waxaa la sheegay inay lahayd ilbaxnimo iyo xadaarad magaalo oo ku siman waqtiyo fog.

Waxay ka mid ahayd beelihii ugu horreeyey ee xeebaha Somaaliya ku yeesha degaan rasmi ah, iyo dhaqdhaqaaq ganacsi, taasoo ay la lahaayeen degaanada gudaha iyo dibadda ooy u kala goooshi jireen Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Xiriikii caynkaas ahaa waxaa ka dhashay arrimaha ay ka mid yihiin:1. Magaalooyin fac weyn oo ka abuurmay xeebaha beesha;2. lahaansho doonyo iyo maraakiib ay hanti u leeyihiin ee qaadaganacsi caalami ah;3. Badmaaxiin xirfad leh oo wada doonyaha iyo maraakiibta beesha iyo kuwa shisheeye;4. Mujtamac fara badan oo degaan rasmi ah ku yeesah qurbaha.

Magaalooyinka taariikhda dheer leh ee beesha waxaa ka mid ah:Cad Cado iyo Ceelaayo1. Cadcaddo oo la sheegay in la deganaa ganacsi xoog lihina ka jirey qarnigii 19naad. Inta la xusuusan yahay. Magaca magaalada iyo macnihiisa weli war sugan looma hayo, waxase loo qaadan karaa inay kula magac baxday ciidda cad ee xeebteeda, mawjadda waaweyn ee ku soo hirjabta xaaxiga xeebteeda iyo daarihii nuuradda cad lahaa ee ka dhisnaa. Waxaa la sheegay inay Cadcaddo soo martay dagaallo qabiil, waxana si gaar loo xusuustaa dagaal lagu magacaabo DAARAGARAAC. Dagaalkaas waxaa la yiri wuxuu ahaa mid ay Cismaan Moxamuud weerar ku soo qaadeen Cadcaddo oo ahayd xarun Gaashaanbuureed ee cammiran.

Waxaa la sheegay in weerarkii si xun loogu jebiyey Cismaan Moxmuud ooy halkaas kaga dhinteed rag gaarey 70, oo gaashaanqaad ahaa, dagaakaas oo ahaa mid aan Gaashaanbuur iyo Cismaan Moxamuud cid kale ku welelin. 2. Degaankii camirnaa ee Cadcddo wuxuu xirmay markii uu gumaysigii Hingiriis (BRITAIN) u diidey ganacsi sharci ah, oo uu ka qaaday xafiisyadii cashuurta iyo boliskii ammaanka, taasoo keeentay inay dadkii hantida iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi lahaa u wareegaan Ceelaayo oo ay qaarkood hore u degganaayeen, mamulkii Hingiriiskuna ka jirey.

Taasu waxay la halmaashaa siyaasaddii gumaysiga ee lagu curyaaminayey xadaaradda xeebeed ee Soomaalida, sidii ku dhacday degaannadii Zeilac, Bullaxaar iyo qaar kale. Ceelaayo waxaa la sheegaa inuu ku aasan yahay sheikh lagu magacaabo “CEELEEYE” oo u dhashay qabiilka CIISE, waxaana sheekada loo badiyaa in sheekhaas loogu magac daray.

Taariikh ahaan Ceelaayo waxay ku fac dhowdahay Cadcaddo ilaa maantana waa degaan rasmi ah, inkasto ay tahay magaalo xilliyeed oo dadku ku yaraado waqtiyada kulaylaha. Ceelaayo waxay u dhexaysaa Cadcaddo iyo Qaw oo ah xuduudda gobolladii hore ee waqooyi iyo koonfur Soomaaliya.

Buraan, Magaca Buraan waxaa iska leh tog soo jireen ah oo biyihiisu ka soo deexdaan soolka ku dhow tuulada hadda magaca wadata. Toggaasu wuxuu la mid yahay togagga Soomaaliyeed ee biyuhu maraan xilliyada roobka oo keliya ee aan reebin raandhiis dambe, wuxuna biyaha ku shubaa badweynta Hindiya.

Dalka Soomaalida oo badanaa oomane ah waxaa qiima weyn la siiyaa biyaha oo aanay la’antood naflay cirriqi karin. Inkastoo aan xog sugan loo hayn goortii ay ahayd waxaa la helay kalo biyuhu ceegaagaan ooy ku hakadaan muddo ah iyo ilo soo maaxda halkaasoo noqotay ceel wiyeer ah ooy reer miyiguu xoolaha u soo arooriyaan dhaamankuna u soo dhaxaan dhawr guul oo joogagjooge ah.

Muhimmada ay biyaha joogtada ahi leeyihiin, waxaa ka dhalatay inuu ceelku qaato magacii togga oo carra Soomaaliyeed oo dhan uu caan ku noqdo erayga ah “CEELKA BURAAN”.

Marka ay noqoto diraac dheer iyo biya yarood ooy dhaanka iyo xoolaha faraha badani ku raagaan darka iyo kaltanka, waxaa khasab noqota inay dadku u baahdaan waxa ay kaga gabbadaan dhaxanta banaha, mudada aay meesha joogaan, waana sababta keentay inay dhistaan buulal ku mel gaar ah.

Arrintaas oo sii badatay waxay keentay inay goobta dad berrinsadaan degaan joogta ahina abuurmo markii isweheshigii batay dabadeedna isu rogtay maagaaalo, waana taas tan ay ku timi jiritaanka laba magac oo ku mataansan ceelka iyo iyo magaalada Buraan.

Taariikh ahaan arrimaha aan soo sheegnay mid ceel, mid tuulo iyo mid magaalo toonna uma hayno xilliyo sugan ooy bilawdeen, waxaase la rumayssan yahay Buraan inay ka mid tahay magaalo ahaan degaannada ugu fac weyn carra Warsangeli. Waxaa jirtey waqtiyo ay ahayd xarun degaan iyo gaashaandhig Warsangeli iyo DARAAWIISH oo marba qolo dagaal lagaga reexey. Waxaa la sheegay Buraan inay ahayd madashii ay Habarmaajeerteen ku tashatay markii la qaadayey gulufkii weerar celiska iyo raadcada ahaa ka dhacay Habarhumbulle gabayadana reebay .

Yagleeshii buulalasha ku bilaabatay waxay noqotay beled leh daaro maguuraan ah.Buraan marxalda kasta ha soo martee manta waa magaalo rasmi ah iyo degaan khaas u ah beesha GAASHAANBUUR.

Buraan waxay ku taal meel xuddun ah, waxayna kulmisaa jiidaha sool iyo gebiiyo karkaar. Waa meel aan dhooddi ahayn ee ku taal mamac biya macaan. Waa magaalo ay xooluhu meesi kastaa kaabiga u soo fadhiistaan xilliyada barwaaqada iyo jiilaalkaba biyo iyo baad mid kastoo loo baahdo.

BallibusleMeesha hadda lagu magacaabo ballibusle waxay ku taal soolka dhexiisa halka loo yaqaan JIRJIRCADDO. Waa meel bannaan aadna u bilic wanaagsan gaar ahaan xilliyada barwaaqada. Waa meel ay xooluhu nooc kastaa isdhex joogaan daaqsintana ku fiican.

Magaca ballibusle wuxuula xiriiraa degaamaynta magaalo waana magac bixin meesah ku cusub. Ballibusle waxaa marta waddo xagaaf ah oo si toos ah u kulmisa degaanno muhim ah ee gobollada Sanaag iyo Bari, gaadiidka(baabuurta ) faraha badan ee maalin kasta maraana aanu ka baydhbaydhin. Ballibusle waa degaan Gaashaanbuureed, mana aha inay Buraan beddesho magaalo ahaan mana beddeli karto ee waa mataan kaabaysa Buraan.

Waxa yaalaha loogu xishay magaalaynteeda waxaa ka mid ah, inay ku habboon tahay xagga gaadiidka joogto ahaan, inay Buraan u noqoto magaalo gacan yare ah oo degaanka xoolaha ku dhex taal, in berkedaha biyaha ee laga qoday ka fududeeyaan culayska kaga yimaada dhaanka iyo xoolaha isku xayira ceelka iyo jidadka loo soo maro Buraan, inay halkaas mustaqbalka ka abuurmaan gaadiid beeshu leedahay oo u kala goosha degaannada kale ee gobollada deriska ah.

KHAYRAAD DEGAANKA Carrada beeshu waxau ku fadhidaa degaan aad u ballaaran oo leh bad iyo berriba waxana dhex jiifa khayraad badan oo lagaga midha dhalin karo dadaal iyo wada jir.

Sidaan hore u soo sheegnay badda degaanku waxay dhereran tahay inta u dhexaysa Ceelaayo iyo Durdduri. Innagu waxaynu ognahay inay baddaas ku badan yihiin noocyo kala duwan oo kalluun ah, horena ay jillaabashadu dhaqan ugu haan jirtey dadka Gaashaanbuureed.

Baddeenu waxay dhumuc ahaan ku fidsan tahay ilaa sabarka kale xeebta Yaman mana jiro wax ah shuruuc adag oo xaddidaya inay kalluumaysatadeenu gaaraan xeebaha degaannada soomaaliyeed eeinaka xiga hareeraha. Hay’daha caalamiga ah ee culuunta iyo khayraadka badaha ku xeeel dheeri cilmi baaris aay sameeyeed waxay caddeeyeen in xeebteenna laga heli karo kalluun badan noqon mid loo isticmaalo nolol maalmeedka (artisinal fishing) iyo qaar geli kara wershedayn (industiral fishing).

Arrinta kalluumaysigu waxay u baahan tahay in horta xeebta degaan ahaan la berrinsado, cunida kalluunkanala caadaysto, lana soo celiyo dhaqankii ahaa in kalluunka xeebta dhow loo adeegsado qalabkii fududaa ee huudhiyada ee ay ku fillayd awoodda farsama yaqaanka degaaanku.

Marka heerkaas lagu fillaado waxaa loo gudbi karaa kaalinta kaluumaysiga badda fog oo geli karta ganacsi iyo wershedayn,taasoo u baahan iskaashi gudaha iyo dibaddaba iyo suuq laga iibiyo, waxana jirta in waxa kalluunka la yidhaadaa aanu suuq waayi karin dibad iyo gudo midnaba, balse loo baahan yahay ku dhiirrasho iyo adkaysi. Cilmi baaristaasu waxay kaloo tibaaxaysaa inay baddenna ku badan tahay macdanta loo yaqaan birta iyo jaandigu oo adduunka qiima weyn ka leh.

Xagga berriga waxaa jira khayraad badan oo dhaqaale xoog leh laga dhalin karo, waxxana ka mid ah:xoolaha nool oo gancsi la gelin karo hilib iyo harag ahaan looguna dhaqmi karo gudaha iyi dibaddaba;beeyada, mayddiga,malmalka, falaxfalaxda, oo si fiican loo soo celiyo beeritaankooda iyo guridooda oo la joogteeyo laguna hirgeliyo iskaashi iyo maal wadaag;dhulka beesha waxaa ku badan dhir leh dabeecado khaas ah oo mudan in daraasad lagu sameeyo ayna muuqato inay qaarkood wershedayn geli karaan waxana ka mid ah:gaatira oo laga samayn karo xarkaga xaskusha oo noocya badan kuwaaso aynu ognahya dalal aan deris nahay ku taajireen sida kuwa afrikada bari ee Kenya Uganda iyo Tanzania; dufnood oo loo malaynayo in laga samayn karo waxayaalo geli kara ganacsi sida saliid ama cadar iyo barafuun; kabacaseeyaha loo ay muuqato in laga samayn karo waxyaalaha ay haweenku ku aslaan debnaha iyo ciddiyaha ama sibbaaqa dharka lagu midabeeyo; gasangasta oo laga sameeyo sabuun ; carrada dalsanka ah sida casha iyo dooxooyinka oo loo jilib dhigo beeristooda. Waxaa jirta oo dadka degaanku xogogaal u wada yihiin in buuraha karkaarka laga helo cusbo dabiici ah taasoo adduunka laga xiiseeyo (CUSBAGOD), kana macaan cusbada badda.

CHAPTER 7

MURTIDA QORLAALKA IYO TALA BIXIN

Ummad kastaa waxay leedahay taariikh iyo taxane nololeed ee soo martay xilliyo iyo duruufo kala duwan. Guud ahaan Somaalidu waa dad ku dhaqmi jirey welina u badan warwarki afka ah qoraalkuna ku yaraa.Taasu waxay keentay in dhacdooyinkii guyaal hore aan laga reebin raad sugan, wixii aan ka ahayn gabayo iyo suugaan kale ee rag koobani xafideen qaarkoodna laba dhinteen.

Ujeeddada qoraalkan oo loo qaadan karo inuu weli qabyo yahay waxaan uga dan leenahay bal inaan bilawno taxane kordhintiisa iyo dhammaystirkiisa la isaga dambeeyo, iyo inay dareen geliso dadka wax ka xusuusan kara sooyaalkii awoowayaasheen.

Qoraalku wuxuu wax ka taabanayaa Beesha Gaashaanbuur dad iyo degaan ahaanba, waxana suurta gal ah dad muddo dheer degaanka ku dhaqnaa inay ku arkaan waxyaalo aanay dareen sanayn ama fikrado kale ka haysteen.Waxaan kaloo uga jeednaa inay dhallinteenu ku soo dhiirradaan wax qoridda iyagoo dadka waayeelka ah la hoos cararaya qalinka iyo warqadda.

Waxa qoraalka laga garan karaa baaxadda dhulkeenna iyo khayraadkiisa lagu hodmi karo haddii loo soo jeensto.

Talo ahaan waxaan soo jeedinaynaa arrimaha hoos ku tilmaaman kuwaaso ah tusaale kooban:Inuu qof kasta oo beesha ku abtirsadaa qiimo weyn siiyo macnaha iyo waxtarka ay Leedahay Beel ahaantu, maankana ku hayo inay teenu tahay gaashaanbuurnimada keliya ee xera Warsangeli ka hanaqaadday;In xilliga la marayo iyo duruufaha adag ee jira la tixgeliyo beeshana daneheeda si Guud loo dhawro,lagana ilaaliyo xafiiltan hoose ee aan waxtar lahayn;In odayaasha degaanka fikraddooka iyo taladooda qaddarin iyo mudnaan la siiyo wax Qabadkana lagu saleeyo wadajir iyo isxaqdhawr;In lagu dadaalo soo celinta degaankii xeebeed iyo wax soo saarka badeed;In la aqoonsado lagana fai’ideeyo kaalinta haweenka oo awoodi kara wax badan oo ragga ka dahsoon;In mudnaan gaar ah la siiyo waxbarshada dadka yar iyo weynba;In daraasad fiican lagu sameeyo wixii aah maalgelin ee dagaanka laga fulin karo taaso ku iman karo oo keliya iskaashi gudaha iyo dibadaba , iyadoo ay waajibaad gaar ah qaadayaan bulshada qurbuhu, sababna ay u tahay duruufta khaaska ah iyo awoodda xaddidan ee gudaha.

FIIRO GAAR AHWaxaa iga cudur daar ah ee aan codsanayaa in raali la iga ahaado wixii qaladaad ah ee qoraallka ka dhex muuqda, taasoo ay sabab u noqon karto aqoonta iyo waaya aragnimada kooban ee aan u leeyahy degaanka iyo beesha. Waxaan mahadnaq u celinayaa dhawrkii qof eeqoraalka gacan naga siiyey, inkasstoo aanan magacyo hadda tilmaami karinLikeComment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*