26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xasan oo kulamo kala duwan la qaatay Xoghayaha Guud ee QM iyo Hoggaamiyaha Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyada oo labada masuul ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, isbedelka cimilada iyo xaaladda amniga.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha [Soomaaliya] ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya doorashada ka dib, kuwaas oo ay ka mid yihiin iskaashiga dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xoojinta hay’adaha dowladda ee Soomaaliya, xaaladda bini’aadantinimo ee daran, baahida loo qabo in wax laga qabto saameynta isbeddelka cimilada, iyo xaaladda amniga.” Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula qaatay magaalada New York dhiggiisa dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan al-Burhan.

Qoraal ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu la wadaagay hoggaamiyaha dalka Sudan, dedaalada ay xukuumaddiisu ugu jirto sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya, iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabku ay wadaan si Soomaaliya looga xoreeyo argagixisada.

“Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo. Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay iska xogwaraysteen xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*