26th March 2024  admin  Category :

Beesha Ciise Maxamuud oo wasiir kale loo magcaabay iyo Cali Saleebaan oo Wasiirul dowle loo magcaabay. Halka beesha Biicdyahan loo magcaabay madaxa Ha’yadda nabad sugida

Garoowe: 23 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey

:B Bedel1.

Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Beesha Cumar Maxamuud

T) Magacaabid

2. Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda. Beesha ciise Maxamuud

3. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Beesha Ciise Maxamuud

4. Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta. Beesha Ciise Maxamuud

5. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda. Beesha Cali saleebaan

6. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*