26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki

Madaxweynaha Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xafiiska Madaxtooyada  Soomaaliya  ku qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Muusa Faki,ayaa waxaa uu Madaxqweynaha Soomaaliya uga hambalyeeyay doorashada Soomaaliya ee ku dhacday sida nabad gelyada leh ee uu isaga ku guuleystay.

Sidoo kale Mr Faki ayaa waxaa uu Tacsi u diray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku dhintay dagaalka Soomaaliy ee ay kual jiraan Al-shabaab .

Waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo Saraakiisha dhinaca amniga ee Soomaaliya oo ay ku jiraan Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Soomaaliya.

Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku soo dhaweeyay Muqdisho Mr Faki oo ka soo jeeda dalka Chad,kaas oo  30kii January lagu doortay xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa,waxaana uu booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*