26th July 2024  admin  Category :

Cadwga ugu xun Soomaali waa ninka Soomaalinimo kula sheeganaya oo dano shisheeye u adeegaya

Ummada Soomaaliyeed waxeey cadaw u heestaan oo kalliya wadamo gaar ah oo diidan in dalka Soomaaliya uu dib u soo noqdo, balse waxaa jira shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ka sii daran cadawa dibedda, shaqsiyaadkaasna waxaa ka mid ah siyaasiyiinta, cullimada, ganacasatada, iyo odayaasha, waxeeyna yihiin shaqsiyaad ka lacageeystay, ka dhergay xaaraanta, kunna naaxay hantida shacabka masakiinta ah.

 Ugu horreen siyaasiyiinta maanta joogta badankooda waa kuwo ineey wax qabtaan aan u iman xafiiska, balse u yimaada sidii ay hantida ummada u dhici lahaayeen, iyagoona qaadanaya wixii lacag ah ee adduunka lagga soo baryey oo Soomaalidana ay u taqaan macaawinadda, iyo lacagaha caashuuraadka ee laga qaado dadka masaakiinta ah ee aan awoodin. Siyaasiyiintaanina waa kuwo diyaar u ah ineey iibiyaan meel kasta oo iibsameeysa oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Sidoo kalle, waxaa jira odayaal intii burburka lagu jiray soo baxay oo is calleemo saaray kuwaas oo nolol maalmeedkooda ka soo saarta hurinta collaadaha, taageerida siyaasiyiinta dalka iibinaya, iyo wax kasta oo dib u dhigaya soo noqoshada dalka Soomaaliya. Odyaashii soo jireenka ahaa waxaa lagu yiqiin ka shaqeenta wannaaga iyo dhamaan waxa danta u ah dadka iyo dalka.

Intaa waxaa dheer, ganacsato ka taajirtay dibindaabyeenta shacabka masaakiinta ah, iyagoona ka iibinaya cunto iyo dawooyin dhacay ama tayadooda ay aad u liidato. Shaqsiyaadkan waa kuwo qeeyb weeyn ka ah hurinta collaadaha iyo taageerida siyaasiyiinta aan maslaxada u wadin dalka si burburka iyo ballaayada loogu sii jiro , dawlad la xisaabtantana aysan meeshaba u iman.

Ugu danbeena waxaa jira cullimo niman sheegta oo iyana diintii ku iibsaday xoogaa lacag ah, waxeeyna diintii ka dhigteen mid ay ku shaqeeystaan, iyagoona xaqii oo dhan dhinac ka maray. Miyeenu arki jirnay masaajidyo la isku heeysto? Miyeeynaan arkeeyn kuwa maanta diinta sheeganaya ee dadkii qarax kalla daalay? Miyeenu arki jirnay waxaan yaacaya ee xisbiyada ku qaraabanaya ee iyagii isku wada maqan?

Hadaba dadka Soomaaliyeed waa ineeysan fiirin oo kalliya cadawga dibedda, balse waxaa dhab ah inuu jiro mid ka dhib badan midka dibedda oo ah kan gudaha ka jira oo ay ka mid yihiin odayaasha, cullimada, siyaasiyiinta, iyo ganacastada qaar badan oo ka mid ah, dhamaantoodna waa shaqsiyaad ka siman inaan la arkin wax dawlad la yiraahdo oo shaqeeneesa waayoo waxeey u arkaan mid lacagta xaaraanta ah ay baduuqayaan ka hor istaagi doonta.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*