26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne  Farmaajo oo mar kale Fursad uu isku  difaaci lahaa ka doortay inuu Faruuryahiisa  xirto

Madaxweynha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo horay loogu eedeeyey inuu ku kacay fal kaligiis talisnimo ah, ka dib  markii uu soo xiray Murashax u tartamayey hogaanka Koonfur galbeed ee Soomaaliya  oo   aan Maxakamadi Xukumin, Bulshadii arintaa kaligii talisnimada ka xumaatayna  qaarkood la dilay, ayaan ka hadlin oo aan is difaacin sababtii uu arintaa u sameeyey.  sidii uu horay uga aamusay oo   qolka isugu soo xiray markii uu Wadani Soomaaliyeed u dhiibay dal shisheeye isaga oo Maxkamadi xukumin, Maalintaas jawaabtii laga sugayey waxay noqotay inuu afkiisa xirto

Maalintii shalay , sidoo kale madaxweynhii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa ku eedeeyey  madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo arin khatar ah oo hogaankiisa dawladnimo iyo xiriirka uu bulshada la leeyahay wax u dhimaysa

 Madaxweynihii hore ee Soomaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo caburin & cabsi gelin uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, oo ka mid Baarlamaanka Soomaaliya,  ayaa sidoo kale maanta ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo inuu siyaasad iyo cunaqabatayn u isticmaalay deeqihii Caalamku siin jiray maamulka Galmudug

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa yiri sidan ” in uu  muddo todobaad  ah  uu ku sugnaa Galmudug, isla markaana uu tagay magaalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo deegaano kale, waxaa uu tilmaamay in dadka deegaanka iyo Madaxda uu kala soo hadlay arrimo badan iyo cabasho ay u soo gudbiyeen sida uu yiri.

“Lixdii bil ee la soo dhaafay miisaaniyaddii loogu tala galay Galmudug, dowladda Federaalka ma aysan siin waa ay goosatay, sidoo kale waxay hor-istaagtay mashaariicdii horumarineed ee deegaanka laga fulin lahaa”ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale uu u sheegay in Galmudug laga xanibay mashaariic horumarineed oo ku baxeysay 1.5 milyan oo dollar, kuwaasoo ka imaan lahaa hey’ado caalami ah sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga iyo dowladda Federaalka ma aheyn inaan isku khilaafno mashaariicda horumarineed iyo in loo adeegsado arrimo siyaasadeed, waa wax la xiriira naf iyo qutul yowm, kursiga shalay waa la joogay berri kuwa kale ayaa joogi doona, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa u sheegayaa,  kursiga si kaloo badan loo difaaci karo jirtee, haweenka, carruurta iyo dadka ooman wixii yar ee adduunka u soo qoondeeyay kuma difaacmee, siyaabo kale oo badan haloo difaaco kursiga”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa oo deegaanada uu ku matalo kursiga Baarlamaanka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed ay ka mid yihiin ceelal biyoodyo ay dadka deegaanka aad ugu baahi qabeen.

Ugu danbayntii, in  badan oo ka mid ah bulshada  Soomaaliyeed  ayaa aaminsan in madaxweyne Farmaajo uu hogaankii dalka  ka doortay  sidii uu isugu ekaysiin lahaa kacaankii. Waana sababta keentay Xariga, dilka , musaafurinta, khal kahal gelinta maamul goboleedyada iyo cabsi gelinta iyo caburinta. Sidoo kale kaligiis taliyaasha ayaa caan ku ah inay waxay doonaan sameeyaan inay aamusaan , sababtuna waa dadkii la xisabtami lahaa oo qaar xiraan, musaafuriyaan mararka qaarkoodna dilaan

https://allsanaag.com/yaa-soomaaliya-madaxweyne-u-ah/

 

https://allsanaag.com/waa-maxay-sababta-farmaajo-dhabarku-loogu-jeediyey/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*