18th April 2024  admin  Category :

Daawo muuqaalka soo dhowayntii madaxweyne Farmajo ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa galabta ku kulmay Qasriga Madaxtooyada ee ku yaalla magaalada Ankara.

Madaxweyne Erdogan ayaa si laab furan ah u soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, waxaana si wada jir ah ay salaan uga qaateen Ciidamada, waxaana Madaxweynaha loo garaacay astaanta Qaranka.

Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid khaas ahaa ayay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wada hadalo labo geesood ah, kaasoo Soomaaliya iyo Turkiga ay heshiisyo wax wada qabsi ah ku saxiixan doonaan Ankara.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga ayaa ah tii u horeysay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii xilka Madaxtinimada uu ku guuleystay horaantii bishii February ee sanadkan.

https://youtu.be/VRtQb7vSym8

https://youtu.be/WkhT5mpUJ8Q

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*