26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Turubitaaryada iyo Dhismaha Cusub ee Hospitalka Guud ee Magaalada Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 November 2018 waxaa uu xadhiga kajaray Xarunta Turubitaaryada Gobolka Kar-kaar iyo Dhismaha Cusub ee Hospitalka guud ee Magaalada Qardho.

 

Madxaweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, qaar kamida golaha xukuumada Dowladda Puntland, maamulka Degmada, kan Gobolka karkaar iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

 

Mashaariicdan ayaa ah mashaariico hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoona maanta uu Madaxweynahu xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta turubitaaryada oo ah xarun lagu ilaalinayo canshuuraha iyo Hospitalka guud ee magaalada Qardho.

 

                                                     

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*