28th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,  ayaa  soo dhameeyey intii badnayd  mashruuc ay ka wada faaiidaysan doonaan Bulshada ku nool waqooyiga Soomaaliya iyo Puntland.

Mashruucan ayaa noqonyaa kii ugu weynaa ee dawladda Federaalku ka hirgeliso waqooyiga Soomaaliya.

Jaamacadda Maakhir ee degmada Badhan ,  oo ay dawladda Kuwit lacagtii ku baxday ugu deeqday dawladda Soomaaliya, oo ah hanti ka wada dhaxaysa umadda Soomaaliyeed,  ayaa Wasiir jamaal iyo madaxda dawladda Soomaaliya waxay hadda doonayaan inay noqoto Farac ka mid ah Jaamacadda Umadda Soomaliya, Muddo yar gudaheedna ay  ardayda  Somaliland iyo Puntland  jaamacad lacag la’aan  ah ay  u aadi doonaan degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

 

Wixii kharash ah , aqoonsi shahaado iyo macalimiin heer sare ah Waxaa kharashkooda qaba dowladda dhexe.

Sido ilo aad loogu kalsoon yahay noo sheegeen wasiir Jamaal arinta waa ka soo dhameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale.

ALLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*