26th July 2024  admin  Category :

Madaxda Sarsare ee Kooxaha Aaran-Jaan iyo Damujadiid oo maalmahan kulamo ku lahaa Magaalada Muqdisho ayaa Kulamadoodii soo afmeeray,iyagoona heshiis hoosaadyo kulamadaasi ku gallay.

Labadan Kooxood oo kooxina ay Madaxtooyada Magaalada Garoowe ay mudo shan Sano ka ariminayeen ayaa kulamo isdaba joog ah la lalahaa Maalmahan dame kooxda Damujadiid ee Waqtigoodu dhamaaday ee Villa Soomaaliya ka taliya.

Labadan Kooxood ayaa kulamadooda iskula soo qaaday,sidii ay Si wadajir ah uga wada shaqayn lahayeen arimaha Doorashada Madaxweynaha ee lagu wado inay dhacdo bilowga bisha fooda inagu soo haysa ee Febraayo,iyadoona Lagu Heshiiyey in Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Ah Mudane.Xasan Shiikh Maxamuud Mar Labaad La Doorto ka dibna Ra”iisulwasaare Laga dhigo Xubin ka tirsan Kooxda Aaran-Jaan iyo Weliba Maxamed C/raxmaan Faroole oo Xilwasiir Muhiim Ah Loo Magacaabo Waa Hadii Kooxda Damujadiid mar labaad hogaanka dalka Soomaaliya ku guuleysato.

Waxa iyana Xusid Mudan in  Kooxdan Aaranjaan ee C/raxmaan Faroole Madaxda u yahay ay kulamo iyo Heshiisyo noocan oo kale lasoo galleen Musharixiinta kala Ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed,Farmaajo iyo Cosoble,iyagoona ugu damayn Madaxtooyada Villa Soomaaliya Xarun ka dhigtay.

IMG-20170126-WA0014

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*