27th July 2024  admin  Category :

Musharax Sheekh Shariif oo mugdi geliyey midnimadii dalka Soomaaliya!!

XOG: Musharax Sheekh Shariif oo mugdi geliyey Xalay midnimadii dalka Soomaaliya!!

Madaxweynihii hore ee DFKG ahayd ee Soomaaliya iminkana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha JFS Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Xalay kullan Casho ah oo uu la qaatay Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland waxa uu si cad Mugdi u geliyey midnimada Dalka Soomaaliya.

Musharax Sheekh Shariif khudbad uu ka jeediyey kullankii xalay ayuu wuxuu si cad oo aan gabasho lahayn u yiri “Soomaaliland wadahadalkeeda waa in Gacan la igu siiyo” wuxuuna intaas kusii daray in Siyaasadiisii 2011/2012 uu soo celinayo, taaasoo ahayd In Soomaaliya labo Qeyb wax loo kala qaato Koonfur iyo Waqooyi.

Wax qaybsiga Waqooyi iyo Koonfur!!

Musharax Sheekh Shariif ayaa sanadkii 2012kii shir kula yeeshay Dubia ee dalka UAE madaxweynaha Somalailand Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, shirkaas oo lagu magacaabay in Burcad Baddeedka Soomaaliyeed looga hadlayo, ayey labadaas mas’uul waxay ku heshiiyeen in ay u wada hadlaan Koonfur oo uu Sheekh Shariif matalo iyo Waqooyi oo uu Siilaanyo matalo.

Heshiiska Sheekh Shariif iyo Siilaanyo waxaaa sal u ahaa in Awood qaybsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya lagu qaybsado Koonfur iyo Waqooyi oo ugu dambayna ay ku midoobaan Federaal ka kooban labadaas gobol.

Heshiiska labadaan mas’uul waxaa kaloo sal u haa in meesha laga saaro Beelaha Daarood, Digil iyo Mirifle, Dirta aan Isaaq ahayn iyo Beesha Shanaad iyadoo Soomaaliya laga dhigay meel ay iska leeyihiin Beelaha Hawiye iyo Isaaq oo kaliya.

Hadaba yaa Sheekh Shariif Sh. Axmed Qorshahan u Dhiibay?

Sh Shariif

Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Qorshahan waxaa u Dhiibay bilowgiisii 2011kii ilaa iminkana kala shaqaynaya Gen Jaamac Maxamed Qaalib oo kasoo jeeda Beesha Isaaq ee Somaliland.

Jaamac Maxamed Qaalib oo ah nin aad Qabiilku ugu dheer yahay neceb na Daaroodka, Qabiilaystana ah, ayaa waxa uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadihii la aaday Asmara ee dalka Eretaiya, isagoo kadibna u noqday Sheekh Shariif la taliye.

Arintan aadka xasaasiga u ah ee ah in Soomaaliya laga laalo Federaalka ay qaadatay oo loo badalo wax loogu yeero Koonfur iyo Waqooyi oo uu Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed xalay ula yimid Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Puntland ayaa ah mid Mugdi gelinaysa midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya waana arin dalka u horseedaysa Dagaal Qabiil ama Sokeeye oo dib uga bilowda.

Waxaan Cambaaraynayaa hadalkaas iyo Siyaasada Sheekh Shariif ee ku Wajahan Koonfur iyo Waqooyi oo Beenta Iyo Caadifada Qabiilka ku dhisan.

Gefkii uu Sheekh Shariif u gaystay Baarlamaanka JFS

Dhawaan ayey ahayd markii uu Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed u gafay Xildhibaanda Sharafka badan ee labada Aqala ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay “LAALUUSH QAATSAYAAL” kadib markuu yiri “LACAGTA KA QAATA XASAN SHEEKH ANIGANA II CODEEYA”, hadalkani maaha hadal mas’uul wuxuuna ilhaano ku yahay Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhigay inay Laaluush qaatayaal yihiin, dooranyaana Qof ay lacag ka qaateen oo kaliya.

Qore: Ali Jam.

Saxafi maddax banaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*