18th April 2024  admin  Category :

Adeer labada Sumuni hal Shilin noga dhig.

Bulshada Soomaaliyeed inteeda aan aqoon Sumini. Suminigu waa Nus Shilin. Labo Sumuni ayaa hal shilin isku noqda

Bishii Octoober 21 keeda 1969, dalka Soomaaliya waxa ka curtay Kacaan uu hogaaminayey Allah ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare, oo horay uga  ahaa dawladdi la inqilaabay  taliyihii Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed. Jaale Siyaad  wuxuu madaxweyne ku xigeen ka dhigtay Allah ha u naxariistee Jaamac Qorsheel oo isaguna horay uga ahaa dawladda la Inqilaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Labada sarkaal ayaa isku khilaafay hogaankii dalka iyo sida dalka loogu soo celin lahaa Dimoqraadiyad iyo doorasho. Taasina waxay keentay in Allah ha u naxariistee Siyaad Bare uu ku dhawaaqo dagaal siyaasadeed oo  ka dhan ah guud ahaan beesha Maakhir. Waxa shaqadii laga eryey dhamaan dadkii reer Maakhir ee shaqada ka hayey dawladda Soomaaliya.  Dhamaan madaxdii sare ee ka soo jeeday Maakhir waa la wada xiray. Qaarkood waxa lagu xukumay inaanay guryahooda ka soo bixin. Intii soo hartayna dhuumasho ayeey dalka uga baxeen Howshan waxa gacan yare ka ahaa gudoomiyaha gudgiga doorashada gobolada waqooyi ee maanata  Jaamac Maxamed Qaalib oo maalintii  howshani socotay oo Qorsheel xilka laga qaaday isaga loo magcaabay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed

Allah ha u naxariistee Siyaad  Bare wuxuu diiday in beesha reer Maakhir u magcaabo wasiir,   oo ay dawladihii hore ku lahaayeen wasiirka Qorshaynta, iyaga  oo ka doortay inay qabtaan  xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  markii ay Waqooyiga Soomaaliya  iyo Koonfurta Soomaaliya ay isku darsadeen. Maantana sida ay  Soomaali ay wax ku qaybsatona ay sidan ku timid.

Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Qablan ayaa  ka aqbalay codsi ay u soo jeediyeen Siyaasyiin iyo Isimo ka soo jeeda beesha Majeerteen oo ahaa inaanu qaban Xilka gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay markaas  la doonayeen  inuu qabto siyaasiyiin ka soo jeeday Waqooyo iyo koonfurta Soomaaliya   Laakiinse maanta Siyaasi Faroole iyo kuwa la midka ah waxay  ay u haystaan in arintani ku timid Jacayl hore oo  dhex maray beelaha Majeerteen iyo Mudulood.

Dhowrkii sano oo ugu horaysay ee madaxweyne Siyaad xilka hayey, beesha reer Maakhir uma magcaabin wax xil ah. hase ahaatee dhowr sano ka dib ayuu labo Maxamuud oo PHD haysta wuxuu u magcaabay wasiiro ku xigeeno, Bulshada reer Maakhir waxay sugayeen  haddi kacaanku gaaray 10 sano in Jaale Siyaad markan  wasiir u magcaabayo. Ma dhicin.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa madaxweyne Siyaad bare wuxuu kormeer  howleed ku tegay gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalo madaxdiisa Ceerigaabo. Madaxweynaha oo markaa Seeftii kacaanku ay labo kaclaynayso oo uu Soomaali oo dhan isku duba ritay, meel walbana heesha kacaanka ee Siraadka Afrika iyo Guulwade Siyaad  looga balweenayo oo an waxna la waydiin su’aalna lagu soo celin,  ayuu maalintas  magaalada Ceerigaabo wuxuu kula kulmay Odayaal ka soo jeeday beesha Warsangeli.

Markii lays hor fariistay Oday ka midf ah Odayaashii reer Ceerigaabo  ayaa Su’ aashan madaxweyne Siyaad bare waydiiyey.” Adeer labada Sumini maad hal Shilin nooga dhigtid” oo la macno ah labada wasiir ku xigeen maad hal wasiir nooga dhigtid.

Siyaad Bare markuu Muqdisho ku laabtay wuxuu wasiirkii ugu horeeyey ee reer Maakhir u magcaabay Maxamuud Siciid Maxamuud.

ALLSANAAG.COM .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*