4th October 2024 admin Category :
Sagaalkii Askari ee Argagixisadu ku dileen Puntland goormay madaxda Soomaaliyeed ay uga tacsiyadeenayaan Qoysaskii ay tageen sida shilka gaari ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay uga tacsiyadeeyaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Qoyska Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, oo shalay ay jiireen gawaari galbineysay Madaxweynaha, xilli uu ku sii jeeday Baydhabo.
Kulan Madaxweynaha uu la qaatay qoyska Marxuum Tahliil ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow, Agaasimaha Guud ee KMG C/raxmaan Al Cadaalla iyo Agaasimaha SNTV Liibaan Cabdi Cali