29th March 2024  admin  Category :

Gudoomiyaashii Gobolka Banaadir loo magcaabay iyo Beelaha ay ka soo jeedaan

Digreeto  Ka Soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Waxaana loo kala Magacaabay Masuuliyiintan:

Guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada Maluuka Dheere Cabdiqaadir Dheere waxay ka soo jeedaa beelaha Reer xamar

Guddoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo Amniga Saalax Sheekh Maxamed, wuxuu ka soo jeeda Hawye, Murursade

Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada waxa loo magcaabay Cabdulaahi Erig, oo ka soo jeeda Hawiye, Habargidir Sacad

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Cabdulaahi Cilmi Dheere

Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud waxa loo magcaabay Aadan Sheekh Cali oo ka soo jeeda Hawiye, Duduble

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Subeyda Maxamed Cabdiqaadir.Waxay ka soo jeedaa Beesha RAXANWEYN

Masuuliyiintan Cusub ayaa dhawaan xilka kala wareegi doono Madaxdii horay xafiisyadaan u maamuli jiray.

  

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda Saalax Sheekh Maxamed oo gacan qaadaya guddoomiye ku-xigeenkii hore Maxamed Axmed Diiriye

Guddoomiye ku-xigeenka maamula iyo maaliyadda Maluuka Dheere Cabdiqaadir Dheere oo la taagan guddoomiye ku-xigeenkii hore Ismaaciil Macalin Cabdi Guure.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Cabdulaahi Cilmi Dheere oo la taagan guddoomiye ku-xigeenkii hore Iimaan Nuur Iikar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*