26th April 2024  admin  Category :

Taliye kale oo ka see jeeda beesha Hawiye ayaa xil kale loo  magcaabay

Cali Xirsi Bare (Cali Gaab), oo ka soo jeeda beesha Habar gidir ee Hawiye,  ayaa loo magcaabay   in uu noqdo taliyaha Ciidanka Taraafikada , waxaana xilka laga qaaday taliyihii horey xilkaas hayey.

Maalintii madaxweyne Farmaajo la doortay ilaa maanta xil kasta oo laga  magcaabo Muqdisho , waxa loo magcaabayey  Beesha Hawiye. Tusaale Beesha Dhulbahante, Harti   waxa loo magcaabay madaxii Baratakoolka Villa Soomaaliya , maalmo xilkaas   ma ahayn, sababtoo ah  Siyasiyiinta beesha Hawiye ayaa ku kacay oo ku  been abuurtay iyaga oo leh waa ninkii  Amxaarada Muqdisho ku soo hogaamiyey waagii ay Maxaakiimta ahaayeen.  Beelaha kale ee Soomaaliyeed waa la mid oo sidaa si la mid ayey maalin walba waxay ka  daawanayaan ama ka dhegaysanayaan  warbaahinta  wiilaal  isu arka in  iyagu  dagaalkii sokeeya ee Soomaaliya  ay ku guulaysteen oo ay   khasab tahay in xil kasta oo soo baxa dawladda Soomaaliya iyaga  loo magcaabao. Waana mid   Soomaali inteeda kale ayna  aqbali doonin

 

 

https://allsanaag.com/muqdisho-unugaa-leh-waa-shaqaynaysaa/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*