26th July 2024  admin  Category :

Maamulka Puntland oo xiraya xuduuda Ethiopia iyo Maamulka SNM

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in uu xirayo xadka uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Maamulka Somaliland laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berri ah oo ku beegan 28-Maarso 2020.

Qoraal maanta oo Jimce ah ka soo baxay, Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyay isu-socodka Gaadiidka iyo Rakaabka ka imaanaya dhanka Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

Hase yeeshee qoraalkan ayaa lagu sheegay in loo oggol yahay muddo saddex maalmood ah inay ka soo gudbaan xadka Ethiopia ardayda Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale qoraalkan ugaga mamnuucay deegaanada Puntland in la soo geliyo qaadka isla markaana lagu cuno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*