18th April 2024  admin  Category :

Kullumaysatada degmada Laasqoray oo Puntland ka codsaday in loo sameeyo marso kalluumaysi

Kullumaysatada degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa dawladda Puntland ka codsaday in loo sameeyo marso kalluumaysi oo ay ku xirtaan gadiidka ay ku kalluumaystaan iyo qaboojiyaal ay ku kaydsadaan kalluunka.

Burburkii Soomaaliya ka hor magaalada Laasqorey waxa ku taalay Warshadi Kaluunka ee ka mid ahayd kuwa ugu wax soo saarka badan Caalamka .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmajo oo Dayac tir ku sameeyey in badan oo ka mid ahayd Warshadihii iyo Taalooyinkii Koonfurta Soomaaliya sida Xawo taaki iyo Dhagax tuur ayaan diiday inuu wax ka qabto Warashaddii Soomaaliyeed ee Kaluunka, isaga oo aan doonayn inuu ka caraysiiyo Maamulka Somaliland oo doonaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan

Wasiirkiisa Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dawladda ee Federaalka, Cabdilaahi BidhaanWarsame , ayaa dhowaan sheegay in gobolka Sanaag oo degmada Laasqorey ka mid tahay inay Somaliland hoos yimaadaan. Taas oo ah marmarsiiyo lagu sharciyeenayo cuna qabataynta lagu hayo gobolka Sanaag

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*