26th July 2024  admin  Category :

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya , waxa caawa ku sugan wariyaal Caalamii ah oo ka shaqeeya wakaaladaha  aduunka wararkooda tebisa  kuwooda loogu akhriska iyo daawashada badan yahay oo halkaa u jooga inay wax ka ogaadaan dawladda Cusub ee Soomaaliya.

Saaka markii weerarku ka dhacay buurta Calmadow, ayaa waxgarad ka soo jeeda gobolka Sanaag waxay la xiriireen weriyaashan wakiilka ka ah   Ha’yado warbaahineed oo  badan oo caalmi ah  , si ay wararkooda ugu daraan  dhibta ka jirta buurta Calmadow.

Weriyaashii waa aqbaleen waana ka  ogolaadeen waxgaradkii reer Sanaag   inay halka tagaan oo caalamka u gudbiyan  sida ay wax u dhaceen, hase ahaatee waxay codsadeen cidda amnigooda sugaysa. Markiiba waxa loo sheegay in  maamulka Puntland uu  amnigooda sugayo.

Markii madaxda ugu saraysa ee Puntland lala xiriiray oo loo sheegay in weriyaashan la soo wado oo kharashkooda la bixinayo, hase ahaatee maamulka laga doonayo inay amnigooda sugaan. Jawaabtii maamulka Puntland waxay noqotay ” maxaa dhacay, ma waxan jirin ayaad doonaysaan in la buunbuuniyo oo caalamka loo soo bandhigo. Waana diideen in weriyaashu soo booqdaan Buurta Calmadow.

Arintan ayaa waxa kuu cadaynaysaa in Dhiiga maalin walba  Galgala ku daadanayaa uu noqday mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha Puntland iyo mashruuc ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha. Waana sababta maamulka Puntland uu isaga qura ogyahay marka uu bulshada caalamka la hadlayo waxa ka jira buurta Calmadow

Ugu danbayntii Shalay waxa la dilay gaashaanle dhexe Dhoonge, gaashaanle dhexe Jamac Saxardiid, Gaashaanle Cawil. Maantana waxa la dilay Gaashanle dhexe Tusbaxle. Dilkani istaagi maayo ilaa beesha Warsangeli sida beesha Raxanaweyn laga barakicnayo degaanadooda . Hadaba si taa looga hortago nimankii dilka Gaystay maanta  waxay ku jiraan buurta CALMADOW ee waa in  Beel ahaan wax looga qabtaa oo la iska ilaawaa maamulka mashruuca ka dhigtay Galgala. Maamulka ogolaaday in Hargaysa oo maleeshiyaadkan argagixisada ah  lagu soo tababaray  ilaa Afurur oo ah  duleedka Boosaaso   inta u dhaxaysa inuu hal askari dhigo.

ALLSANAAG.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*