26th April 2024  admin  Category :

Todoba sano Daraawiishta Puntland waxay  ku daba joogaan  Alshabaab, welina Af urur ayaa la soo weerayaa  . Haddii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu taageeray fashilkii iyo mashruucii ahaa Draawiishta Puntland ayaa ku daba joogta Alshabab weli dilka waa sii socon doonaa  bulshada caalamkuna lacagta looga qaadan jiray  Galgala iyaguna   waa sii bixin doonaan .

Haddiise madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in maalmo kooban looga adkado argagixisada ku dhuumaalaysanaysa Buurta Calmadow  ,  waa in uu taageeraa dadka degaanka u dhashay , kana saaraa gobolka  Sanaag INuu yahay dhul laysku haysto. Taasna waxa lagu gaari karaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo soo booqda gobolka Sanaag ,  caalamkana  tusa in  gobolkaasi yahay mid  ka mid ah 18kii gobol ee Soomaaliya

Hoos ka akhriso qoraalka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii Af-urur “Waxaan aad uga tiraanyeysanahay geerida ku timid shacabkeena iyo ciidanka geesiyaasha ah ee ku baxay weerarkii tuulada Af-urur ee Degmada Gal-gala. Waxay u dagaallameen si geesinimo leh si ay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda iyaga oo cibaadeysanaya bisha barakeysan ee Ramadaan.

Weerarkan wuxuu caddeyn u yahay khatarta ay leeyihiin kooxaha cadowga ah ee aan la dagaallameyno kuwaas oo doonaya in ay mar walba dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Waxaan xoogeenna isugu geyn doonnaa sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah.

Waxaan ballan qaadeynaa in Al Shabaab aan looga hari doonin falkan foosha xun. Waxaa haatan haraadigooda ku daba jira ciidamada Daraawiishta Puntland. Waan ku kalsoonahay in ciidamadeennu ay soo afjari doonaan falalka burcadnimada ah ee ay kooxdan caadeysatay in ay maalin walba ku layso dad Soomaaliyeed.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*